Halyeyga Manchester United ee Roy Keane ayaa rumaysan in Arsenal ay rafaadi doonto Axadda, isla markaana guul-darro kala kulmi doonto Manchester City oo ay marti ugu noqon doonto Etihad Stadium.
Gunners oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League balse ay farqiga dhibcaha ka siman yihiin Liverpool, ayaa waxa ay booqan doontaa Man City iyadoo dhamaadka xilli-ciyaareedkana ay 10 kulan ka hadhsan yihiin.
Arsenal ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ka horreyn doonta Man City haddii ay ka guuleysato Axadda, balse haddii laga badiyo waxa waji kale yeelan doona horyaalka oo u muuqan doona inuu gacanta u gelayo Liverpool iyo Man City midkood.
Arsenal oo ay uu dambaysay ku guuleysia horyaalka Premier League sannadkii 2004, ayaa kulankoodii horyaalka Premier League ee xilli-ciayareedkii hore ee waqtigan oo kale, waxay lasoo kulmeen guul-darro 4-1 ah, iyadoo Man City aanay wax naxariis ah u gelin.
Si kastaba ha ahaatee, Roy Keane oo saadaaliyey ciyaartan ayaa yidhi: “Arsenal wax guul ah kama soo helayso halkaas. Arsenal kama guuleysan karayso Man City.”
Intaas kaddib ayuu u galay saadaashiisa ciyaarta, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan leeyahay Man City 2-1 Arsenal. Gunners uul kuma soo helayso halkaas, waa la carruurayn doonaa, waanan idiinsii sheegayaa.”