Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka quusanaysa xiddig uu tababare Carlo Ancelotti dalbaday oo ay muuqato in awood dhaqaale lagaga hor qaadayo, kaas oo maalmihii ugu dambeeyey magaciisu caan ka noqday qolka labbiska Real Madrid.
Carlo Ancelotti ayaa doonaya in uu xoojiyo difaaca kooxdiisa ee ay dhaawacyadu diciifiyeen, waxaanay diiraddiisu saarnayd Leny Yoro oo ah 18 jir u dhashay waddanak Faransiiska oo u ciyaara kooxda horyaalka Ligue 1 ee Lille, hase yeeshee waxa jira kooxo badan oo reer Yurub oo kula tartamaya.
Difaacan dhexe, ayaa la sheegay in Real Madrid ay ku qasbanaan doonto inay ka hadho tartankiisa, sababtoo ah waxa qasnaddeeda u jabinaysa Paris Saint-Germain oo mar horeba wada-hadallo la furtay laacibkan iyo kooxdiisaba.
Sida uu ku warramayo Santi Aouna oo ah wariye ka tirsan wargeyska Foot Mercato, PSG waxay toddobaadkan horraantiisii wada-hadallo la furtay Lille, sidoo kalena waxay heshiis shaqsi ah la gaadhay Leny Yoro oo xagaaga ka degi doona Parc des Princes.
Arrintan ayaa waxa ay dhibaato weyn ku tahay Real Madrid oo si weyn u doonaysay Leny Yoro oo uu si shaqsi ah u calaamadsaday Carlo Ancelotti.
Los Blancos ayaa waxay hadda u jeedsan doontaa dhinaca labada difaac ee reer Portugal ee Goncalo Inacio iyo Antonio Silva.