Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ammaan ugu qubeeyey weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo uu ku tilmaamay inuu yahay dhamaystireyaashii ugu fiicnaa ee soo maray Anfield muddo tobannaan sannadood ah.
Jota ayaa laba gool u dhaliyey Liveprool ciyaartii ay Axaddii 4-0 kusoo karbaasheen Bournemouth, sidoo kalena waxa uu raaciyey caawin uu siiyey Darwin Nunez, taas oo Liverpool u ogolaatay inay shan dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka horyaalka Premier League.
Qabta hore ee ciyaartan oo goolal la’aan ku dhamaatay, ayuu tababare Jurgen Klopp beddelay taatikadiisa markii lagu soo noqday qaybta labaad, isagoo Diogo Jota geeyey garabka midig ee uu ka maqnaa Mohamed Salah, laakiin uu marar badan ciyaarta oo socota isku beddelay Nunez.
Carragher oo daawanayay ciyaartii shalay ayaa waxa uu sheegay, in Diogo Jota uu ka fiican yahay halyeeyadii Liverpool ee Luis Suarez, Michael Owen iyo Robbie Fowler marka laga eego dhamaystirka kubbadaha.
“Jurgen Klopp wuxuu inoo sheegay sida uu Jota xariifka u yahay. Waxa uu ka ciyaari karaa garabka bidix, weerarka dhexe iyo garabka midig.” Ayuu yidhi Jamie Carragher.
Waxa uu intaa ku daray: “Liverpool wali waxay isku dayaysaa inay ka shaqayso khadka dhexe oo aan heerkii loo baahnaa ahayn, xataa iyaga oo ciyaaraha ku guuleysanaya, Salah na ka maqan yahay.
“Waxay haystaan Luis Diaz, Jota, Harvey Elliott, iyadoo Jota uu boosas badan ka ciayarayo. Anigu waxa aan lasoo ciyaaray weeraryahanno wanaagsan oo Liverpool joogay, sida Michael Owen, Luis Suarez, Fernando Torres, Robbie Fowler iyo kuwo kale, laakiin waxay ila tahay in Jota uu yahay dhaliyaha ugu fiican.
“Robbie waxa laga yaabaa in uu ahaa dhaliye dabiici ah oo si adag iyo si qunyar ahba ku dhalinaya meel kasta oo goolka ah, laakiin marka aad eegto qaabka Jota, marka uu fursad helo waa dhamaystire cajiib ah.”