Lionel Messi waxa uu xalay ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee FIFA Best Awards oo uu ku garaaca Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo si adag ugula tartamay, waxaase ka dhashay dood la xidhiidha sababta abaal-marinta loo siiyey Lionel Messi iyagoo isku-dhibco noqday Erling Haalad.
Kabtanka reer Argentina waxa ay isku dhibco noqdeen Erling Haaland oo labaad galay iyadoo Kylian Mbappe oo xilli-ciyaareedkii hore ay isku koox ahaayeen Messi uu u dhacay kaalinta saddexaad, inkasta oo xulkiisa France uu keenay finalkii Koobka Adduunka.
Messi oo sannadkii 2023 ku bilowgay PSG ka hor intii aanu bishii June tegin Inter Miami ayay u ahayd markiisii saddexaad ee uu ku guuleysto abaal-marinta FIFA The Best oo siddeed sannadood ka hor la bilaabay bixinteeda.
36 jirkan ayaa sagaal gool u dhaliyey PSG xilli-ciyaareedkii tegay ee ay ku guuleysteen horyaalka Ligue 1, sidoo kalena waxa uu 10 gool u dhaliyey Inter Miami oo uu toddoba ciyaarood u saftay, isagoo kula guuleystay League Cup-ka waddanka Maraykanka, kaas oo noqday koobkii ugu horreeyey ee ay ku guuleysato kooxda David Beckham ee Inter Miami.
Erling Haaland ayaa isaguna waxa uu dhaliyey 36 gool horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkii tegay, isaga oo sannadkii 2023 kusoo xidhay 52 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu ka caawiyey City in markii ugu horreysay taariikhdeeda ay ku guuleysato Champions League, iyagoo ku darsaday Premier League iyo FA Cup.
Mbappe oo kaalinta saddexaad ku dhamaystay, waxa uu sida Messi oo kale ku guuleystay horyaalka Ligue 1, isaga oo shantii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanayay abaal-marinta kabta dahabka ah ee gool-dhalinta Faransiiska.
25 jirkan reer France waxa uu dhaliyey 18 gool intii u dhaxaysay December 19, 2022 illaa August 20, 2023, waana muddada ay bixinta abaal-marintan ku sallaysan tahay.
FIFA Best Awards waxa caadiyan lagu jaan-gooyaa bandhigga ciyaartoyda ee hal sano, waanay ka duwan tahay Ballon d’Or oo iyada lagu salleeyo waxqabadka ciyaartoyda ee hal xilli-ciyaareed.
Koobkii Adduunka ee sannadkii hore, waxa xisaabtiisa la raaciyey abaal-marintii sannadkii hore ee The Best ee uu ku guuleystay Lionel Messi, kumana jirin qiimaynta sannadkan, iyadoo FIFA shaaciyey codaynta wariyeyaasha, kabtannada iyo tababareyaasha.
FIFA ayaa waxa ay sidoo kale shaacisay in Messi iyo Haaland ay isku dhibco ahaayeen marka la eego codbixinta, laakiin Lionel Messi ayaa la siiyey sababtoo ah waxa uu kaga sarreeyey Haaland tirada codadak kabtannada xulalka qaramada ee codkooda 1aad siiyey.
Kabtannada xulalka qaramada ee Lionel Messi u codeeyey ayaa waxa ka mid ahaa Mbappe, Harry Kane, Mohamed Salah, Andy Robertson, Aaron Ramsey iyo Luka Modric, halka Ilkay Gundogan iyo Casemiro ay u codeeyeen Haaland.
Lionel Messi ayaa isaguna isku-codeeyey maadaama uu yahay kabtanka xulka Argentina, waxaanu isku sii kordhiyey fursadda guusha.