Weeraryahanka Arsenal ee Gabriel Martinelli iyo goolhayaha Manchester City ee Ederson ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ee kulamada saaxiibtinimo ee bishan March, kaddib markii ay dhaawacyo soo gaadheen.
Martinelli oo 22 jir ah ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Sheffield United ee horyaalka Premier League, waxaana uu ka maqnaaday kulankii Brentford ee ay guusha cidhiidhiga ah hoggaanka kula wareegeen iyo ciyaartii FC Porto ee ay rikoodheyaasha ugu soo baxeen wareegga siddeedda Champions League.
Ederson oo 30 jir ah ayaa isaguna dhaawac ku maqnaanaya muddo afar usbuuc ah kaddib markii laga saaray qaybta hore ee ciyaartii Liverpool ee Axaddii, markaas oo uu wax ku noqday kubbad uu rikoodhe ku galay Darwin Nunez.
Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker oo isaguna dhaawac ah ayaan lagu soo darin xulka, halka weeraryahanka Tottenham ee Richarlison uu magaciisu ku jiro xulka inaksta oo uu dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.
Brazl ayaa waxa ay 23ka March kula ciyaari doontaa England garoonka Wembley ee magaalada London, saddex maalmood kaddibna Spain ayay isku haleeli doonaan garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu.
Halkan kaga bogo liiska xulka qaranka Brazil
Goolhayeyaal: Leo Jardim (Vasco de Gama), Bento (Athletico Paranaense), Rafael (Sao Paulo).
Difaacyahanno: Danilo (Juventus), Yan Couto (Girona), Ayrton Lucas (Flamengo), Wendell (Porto), Beraldo (Paris Saint-Germain), Fabricio Bruno (Flamengo), Gabriel (Arsenal), Murilo (Palmeiras).
Khadka Dhexe: Andre (Fluminense), Andreas Pereira (Fulham), Bruno Guimaraes (Newcastle), Casemiro (Manchester United), Douglas Luiz (Aston Villa), Joao Gomes (Wolves), Lucas Paquetá (West Ham), Pablo Maia (Sao Paulo).
Weeraryahanno: Endrick (Palmeiras), Galeno (Porto), Raphinha (Barcelona), Richarlison (Tottenham), Rodrygo (Real Madrid), Savinho (Girona) and Vinicius Jr (Real Madrid)