Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulanka maanta lagu soo xidhayo horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana taam u ah dhamaan ciyaartoydiisa isaga oo xataa u yeedhay kuwii dhaawaca ahaa.
Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium waxa ay kusoo dhoweyn doontaa Everton iyaga oo raadinaya guul, sidoo kalena u baahan in West Ham ay ka qabato Manchester City, si ay markaas Gunners ugu guuleysan karto horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa haddii ay maanta badiso, waxa ay u noqon doontaa guushoodii lixaad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League iyo sidoo kale guushii 15aad ee 17 ciyaarood oo Premier League ah, waxaana labada ka maqan ay yihiin barbarro ay la galeen Man City iyo guul-darro ay Aston Villa kala kulmeen sannadkan 2024.
Xiddiga reer England ee Bukayo Saka ayaa uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa ciyaarta maanta, laakiin adkaysi uu u leeyahay dhaawacyada ayaa rajo gelinaysa jamaahiirta Arsenal oo rumaysan inuu awoodi doono inuu kusoo bilowdo.
22 jirkan ayaa dhaawac kaga baxay ciyaartii Manchester United ee toddobaadkii hore markii uu taakal ku qabtay Sofyan Amrabat, taas oo keentay inuu ku dul-dhaco boodhka ama tabbeelaha garoonka ee xayaysiisyada
Jurrien Timber oo muddo dheer dhaawac u jiifay ayaa sidoo kale lagu soo daray liiska ciyaartoyda Arsenal balse uma badna inuu dheeli doono, halka xiddigaha mustaqbalkooda shakiga la gelinayo ee Emile Smith-Rowe iyo Eddie Nketiah ay u noqon karto ciyaartoodii ugu dambaysay ee ay Gunners u dheelaan.
Fabio Vieira ayaa isagana shaki la gelinayaa.
Halkan kaga bogo liiska 20ka ciyaartoy ee Arsenal usoo xulatay kulanka Everton ee maanta
Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, David Raya
Difaacyahanno: Ben White, William Saliba, Gabriel Magalhaes, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko, Jurrien Timber, Jakub Kiwior
Khadka Dhexe: Thomas Partey, Emile Smith Rowe, Declan Rice, Jorginho, Martin Odegaard
Weeraryahanno: Bukayo Saka, Kai Havertz, Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Leandro Trossard