Xidhiidhka kuadda cagta Yurub, guddidiisa garsoorka ayaa shaaciyey garsooraha ay u doorteen ciyaarta adag ee lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ee Real Madrid iyo RB Leipzig ee Arbacada.
Real Madrid oo toddobaadkan ka cabanaysay garsooreyaasha Spain ayaa waxa kulankeeda RB Leipzig ay ku martigelinayso garoonka Santiago Bernabue, waxa loogu dhiibay garsooraha Talyaaniga ah ee Davide Massa oo ah 41 jir ka mid ahaa xaakimiinta ciyaaraha caalamiga ah tan iyo sannadkii 2014.
Waa markii afraad ee uu garsoore Davide Massa qabto kulan Champions League ah xilli-ciyaareedkan, waxaana lagu ladhay oo VAR u fadhiyaya garsooraha kale ee Talyaaniga ah ee Massimiliano Irratti.
Davide Massa ayaa ay u noqonaysaa ciyaartiisii koowaad ee Real Madrid uu u qabto, laakiin khibradda iyo deggenaanta uu leeyahay ayaa loogu xushay ciyaartan oo la filayo inay xamaasaddeedu sarrayso.
Lugtii hore ee Real Madrid iyo RB Leipzig ee lagu soo dheelay waddanka Germany, ayaa waxa 1-0 kusoo adkaatay kooxda reer Spain ee Real Madrid, laakiin natiijadan ayaa ka dhigan in ay ciyaartu furan tahay oo koox walba ay soo gudbi karayso.