Horyaalka Premier League waxaa ka buuxa ciyaartoy tayo leh oo kubbadda cagta ah, kuwaas oo qaarkood aan ka soo bixin wixii laga filayay. Haddii ay ahaan laheyd saxiix cusub ama mid muddo dheer ka tirsanaa kooxda koowaad, waxaa had iyo jeer jira ciyaartoy ku guuldareysta inay ka soo baxaan filashadii laga qabay.
Waxyaabo badan ayaana saameyn kara ciyaartoyda sida sida dhaawacyo, kalsooni xumo, iyo qaab ciyaareedka kooxda oo gabi ahaanba hooseeya taasoo niyadjab abuuri karta.
Hadaba shabakada Givemesport ayaa soo saartay 12ka ciyaaryahan ee lagu khasaaray xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League islamarkaana ka soo bixi waayay filashadii laga qabay. Waxay ku qiimeeyeen ciyaartoydaan goolashooda, caawintooda, shabaq ilaashigooda, rajadii laga qabay xilli ciyaareedka ka hor, bandhig shaqsiyadedkooxda iyo sida ay kooxdooda u caawiyeen.
Sida iska cad liiska waxaa u horeeya saxiixa ugu qaalisan Premier League Mosies Caicedo kaasoo noqday fashilkii ugu weynaa xilli ciyaareedkan.
Caicedo waxa uu ku guuldareystay inuu ka soo dhalaalo rajadii ay Chelsea ka qabtay markii ay bankiga u jabisay, isagoo u soo bandhigay qaab ciyaareedyo liita, waxaana ciyaartiisa ka maqan xamaasad iyo firfircooni.
Xiddiga Man United Antony ayaa kaalinta labaad ka soo galay isagoo durba noqonaya mid ka mid ah saxiixyadii ugu xumaa ee Man United. Wax gool iyo caawin ah toona ma uusan sameynin xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.
Saaxiibkiisa Man United Marcus Rashford oo xilli ciyaareedkii hore 30 gool dhaliyay ayaa xilli ciyaareedkan noqday mid laga niyadjabay isagoo ka soo bixi waayay rajadii ay kooxda ka qabtay. Waxaa u sii dheer isbedel dabeecad oo ku dhacay gaar ahaan marka uu ku jiro garoonka taasoo sii wiiqday ciyaartiisa.
Saxiixa ugu qaalisan Man City Jack Grealish ayaa isna liiska ka soo muuqday waxaana uu xilli ciyaareedkan la dhibtoonayaa qaab ciyaareed xum iyo dhaawac, isagoo booskiisa u waayay asxaabtiisa kale ee Man City, islamarkaana aan waxba ku soo kordhinin guulaha kooxda.
Liiska waxaa sidoo kale ku jiray xiddiga ku fashilmay Chelsea ee Mykhailo Mudryk oo weli laga sugayo inuu qaab ciyaareed wanaagsan oo joogta ah ku soo bandhigo Stamford Bridge.
Waxaa isna ka soo muuqday laacibkii wacdaraha ka dhigay Koobkii Adduunka ee Sofyan Amrabat oo ku fashilmay Man United, iyadoo taageerayaasha kooxda ayba taagan yihiin in hishiiskiisa amaahda sida ugu dhaqsiyaha badan loo kansalo.
12 Xiddig Ee Premier League Ee Lagu Khasaaray Xilli Ciyaareedkan (2023/24) | ||
---|---|---|
Ciyaaryahan | Booska | Kooxda |
Mosies Caicedo | Khad dhexe | Chelsea |
Antony | Garab | Manchester United |
Marcus Rashford | Garab | Manchester United |
Jack Grealish | Garab | Manchester City |
Mykhailo Mudryk | Garab | Chelsea |
Kalvin Phillips | Khad dhexe | West Ham |
Kaoru Mitoma | Garab | Brighton |
Beto | Weerar | Everton |
Oleksandr Zinchenko | Daafac | Arsenal |
Sofyan Amrabat | Khad dhexe | Manchester United |
Moussa Diaby | Garab | Aston Villa |
James Trafford | Goolhaye | Burnley |