Toddoba ciyaartoy ayaa laga reebay xiddigaha Liverpool ee safarka ku tegay woqooyiga London ee maanta martida unoqonaya kooxda Brentford oo ku martigelin doonta garoonka Gtech Community Stadium, halkaas oo aanu tababare Jurgen Klopp waligii guul kala soo laabanin.
Liverpool oo laba dhibcood hogaanka kaga haysa Manchester City iyo Arsenal ayaa haddii ay guuleysato waxa ay awoodi doontaa inay shan dhibcood tagto waqti hore oo maanta ah, ka hor inta aanay soo bixin natiijooyinka kulamada Arsenal iyo Manchester City ay dheelayaan.
Jurgen Klopp ayaa waxa lagu qabsay inuu liiska kooxdiisa ka saaro xiddigo muhiim ah oo dhaawac ah, kuwaas oo uu ugu dambeeyey goolhaye Alisson Becker oo muruqa kaga dhaawacmay tababarkii shalay.
Waxa hore liiska dhaawacyada ugu sii jiray oo uu ka daba-tegay Trent Alexander-Arnold oo jilibka ka dhaawacan, Dominik Szoboszlai oo muruqa ka dhaawacan iyo Thiago Alcantara oo isaguna dib ugu noqday dhaawac uu sannad ku maqnaa.
Waxa kale oo dhaawac kaga maqan Liverpool xiddiga khadka dhexe ee Stefan Bajcetic, iyo labada muddada dheer jiifaya ee Joel Matip iyo Ben Doak.
Ka sokow dhaawacyada, waxa Liverpool ay ku faraxsan tahay in Mohamed Salah uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa kaddib muddo bil iyo 15 maalmood ah oo uu ka maqnaa, waxa kale oo dib ugu soo laabtay Ibrahima Konate oo ganaax kasoo laabtay iyo Joe Gomez oo xanuunsanayay.
Waxa kale oo Liverpool ay dib u heshay xiddiga da’da yar ee Conor Bradley oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaa kooxdiisa maadaama uu aabbihii dhintay.
Liiska xiddigaha Liverpool ee kulanka Brentford ee galabta
Goolhayeyaal: Adrian, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Conor Bradley, Jarell Quansah, Joe Gomez, Kostas Tsimikas, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk.
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Bobby Clark, Curtis Jones, Harvey Elliott, James McConnell, Ryan Gravenberch, Wataru Endo.
Weerarka: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Luis Diaz, Mohamed Salah.