Premier League ayaa soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa abaal-marinta xiddiga bisha February ee horyaalka Premier League iyo saddex macallin oo lasoo xulay oo kooxahoodu guulo waaweyn soo hooyeen.
Lix ciyaartoy ayaa uu Premier League kala saari doonaa iyadoo uu cusbitaalka jiifo laacibkii bishii hore ee January ku guuleystay oo ahaa Diogo Jota oo Liverpool afka hore uga ciyaara, halka macallinkiisa Jurgen Klopp uu isaguna ka maqan yahay tababareyaasha tartamaysa.
Xiddiga Manchester City ee Phil Foden ayaa ciyaaray daqiiqad kasta dhamaan shantii ciyaarood ee ay kooxdiisu dheeshay bishii February, isla markaana dhaliyey afar gool iyo weeraryahanka Manchester United ee Rasmus Hojlund oo afar ciyaarood oo bisha February uu saftay ku dhaliyey shan gool ayaa hoggaaminaya musharixiinta abaal-marinta bisha February.
Garabka weerarka Arsenal oo ahaa ciyaartoyga goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka Premier League bishan February ayaa sidoo kale ku jira liiska, waxaana la saadaalinayaa inuu isagu ku guuleysan doono abaal-marintan.
Rodrigo Muniez oo afar gool u dhaliyey Fulham kaliya 329 daqiiqadood oo uu u dheelay, Ollie Watkins oo afar gool dhaliyey, labana caawiye ka noqday, Joe Gomez oo khadka dhexe uga ciyaara Wolves oo bandhig heersare ah ka sameeyey kulamadii Chelsea iyo Tottenham, noqdayna ciyaartoyga ugu taakalka badan Premier League iyo Pascal Gross oo Brighton ah ayaa ah tartameyaasha bisha.
Dhinaca kale, saddexda tababare ee kooxaha Arsenal, Manchester United iyo Manchester City oo ay naadiyadoodu natiijooyin wanaagsan ka keeneen horyaalka Premier League usbuucan ayaa noqday saddexda tababare ee uu midkood qaadan doono abaal-marinta tababaraha bisha February.