Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Joshua Kimmich ayaa magacaabay ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ka hortegay abid, mana aha Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Cristiano Ronaldo oo ay marar kala duwan ku xafiiltameen garoomada.
Joshua Kimmich oo Bayern Munich kaga soo biiray RB Leipzig sannadkii 2015, ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaartoydii ugu fiicnaa ee soo martay garoomada, isaga oo ka ciyaara dhawr boos sida difaaca midig, khadka dhexe iyo difaaca bidix intaba.
Intii uu ku sugnaa Bayern Munich, waxa uu Kimmich ka hor tegay ciyaartooyo ay ka mid ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ahaa xiddigaha ay adduunyadu u shidnayd, Kylian Mbappe, Erling Haaland iyo kuwo kale.
29 jirkan oo la weydiiyey weeraryahankii nafta u keenay ee uu u maare waayey, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waxa uu ahaa Alvaro Morata. Aad ayay u adag tahay inaad la ciyaarto isaga sababtoo ah waa ciyaartoy xooggan jidh ahaan, orodkiisu dheereeyo, farsamadiisuna badan tahay.
Kimmich iyo Morata ayaa iska hor yimid saddex jeer oo kaliya, waxaana laba jeer ay ahaayeen xilli-ciyaareedkii 2015/16 oo tartanka Champions League ah iyo hal mar oo ahayd Koobkii Adduunka 2022 oo ay u kala ciyaarayeen xulalka Spain iyo Germany.
Saddexdaas kulan, Morata ayaa dhaliyey hal gool laba kalena caawiyey, waxaana waqtigaas uu Alvaro Morata u dheelayay Juventus.