Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dhawaaqay ciyaartoyga iyo tabaarihii ugu fiicnaa Premier League bishii February, waxaanay farxad badan usoo hoyatay laacib uu cadaadis badan saarnaa laakiin bishii hore dib u helay qaab-ciyaareedkiisa.
Weeraryahanka Manchester United ee Rasmus Hojlund iyo tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku kala guuleysrtay abaal-marinta xiddiga iyo macallinka bishii hore, kaddib markii ay kooxahoodu bandhig fiican sameeyeen.
Hojlund oo dhaawac kaga maqan Manchester United ayaa bandhig fiican sameeyey afar ciyaarood oo horyaalka ah oo uu u saftay kooxdiisa Man United ka hor intii aanu dhaawacmin, waxaanu uu afarta ciyaaroodba dhaliyey goolal.
Laacibka reer Denmark ayaa sidoo kale noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa abid ee lix ciyaarood oo isku xiga goolal ka dhaliya horyaalka Premier League, waxaana afarta kulan ee bisha February uga sii horreeyey laba ciyaarood oo ahaa dhamaadkii January.
Hojlund ayaa bisha February ay ugu bilaabatay ciyaartii ay kooxdiisu 4-3 ku garaacday Wolves oo uu dhaliyey hal gool, mid kalena caawiye uga noqday Marcus Rashford. Waxa ugu xigtay ciyaartii ay 3-0 ku karbaasheen West Ham oo marti ugu ahayd Old Trafford oo uu dhaliyey goolka koowaad, halka ciyaartii Aston Villa ay 2-1 kaga adaadeen uu shabaqa soo taabtay.
Waxa kale oo uu ahaa laacibkii goolka ka dhaliyey Luton Town waqtiga hore, waqtiga dambena ku daray midka labaad iyadoo ay kooxdiisu ku adkaatay 2-1.
Dhinaca kale, tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa noqday macallinkii ugu fiicnaa bishii February kaddib markii ay kooxdiisu guuleysatay dhamaan afartii kulan ee ay dheeshay iyaga oo dhaliyey 18 gool.