Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee go’aamin doona kooxda ku guuleysanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay si weyn ugu tartamayaan Liverpool, Manchester City iyo Arsenal oolaba dhibcood oo kali ahi ay saddexdooda kala soocaan.
Jamie Carragher ayaa waxa uu ciyaartoyda horyaalka go’aaminaysa ka reebay weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland oo hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta Premier League.
Sidoo kale, waxa uu Jamie Carragher meesha ka saaray Mohamed Salah oo ah hoggaamiyaha weerarka Liverpool oo uu xusay inuu jiro ciyaartoy kale oo ka muhiimsan, halka Arsenal aanu saaxadda soo gelinin Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus.
Waxa kale oo uu Jamie Carragher u diiday go’aamiyaha horyaalka Premier League khadka dhexe ee Manchester City ee Kevin de Bruyne Bernardo Silva iyo sidoo kale Rodri oo uu xusay inuu jiro ciyaartoy kale oo ka muhiimsan waqtigan.
Carragher oo la hadlay wargeyska The Telegraph ayaa sheegay, in saddexda ciyaartoy ee Virgil van Dijk, Declan Rice iyo Phil Foden ay yihiin kuwa go’aamin doona kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “Liverpool waxay doonaysaa afar koob. Manchester City waxay raadinaysaa saddex koob mar kale. Phil Foden, Vigil van Dijk iyo Declan Rice ayaa go’aamin doona guulahooda.
“Saddexdooda midkood ayaa noqon doona horyaalka sannadka ee Premier League iyo ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadka 2024.
“Labada ciyaarood ee horyaalka Premier League ee soo socda ayaa saamayn weyn yeelan doona oo hore u riixi doona kooxda guuleysata, iyadoo City ay waajahayso Liverpool iyo Arsenal laba kulan oo isku xiga.
“Saddexdan ciyaartoy waa kuwa ugu shaqada badnaa ee kooxahooda hore u riixayay xilli-ciyaareedka oo dhan, bandhiggooda cajiibka ah ee joogtada ah ayaa heersare ahaa, mana muuqato inay joojinayaan.”
Jamie Carragher ayaa waxa kale oo uu sharraxay farqiga u dhexeeya saddexdan kooxood, waxaanu yidhi: “Farqiga u dhexeeya Man City, Liverpool iyo Arsenal waa sidan: Van Dijk iyo Rice haddii ay maqnaadaan, midkoodna ma tartami doonto kooxdiisu. City na wali way socon kartaa Foden la’aantii.”