Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyey dhaawacyada dhawr ciyaartoy oo walaac ku haya, kulanka badhtamaha usbuuca ee caawa ay martida ugu noqonayaan Arsenal kaddib guul-darradii kasoo gaadhay Manchester City oo Sabtidii ku reebtay semi-finalka FA Cup.
Blues ayaa dagaal adag u geli doonta sidii ay tubta guusha ugu soo laaban lahaayeen, waxaase ka horreeya imtixaan adag oo ah Arsenal oo iyaduna u halgamaysa inay sii xajisato hoggaanka horyaalka Premier League ee ay sida ku-meelgaadhka ah ula wareegeen usbuucan.
Mauricio Pochettino ayaa shalay saxaafadda u sheegay in aanu taam ahayn Cole Palmer balse ay hubin ku samayn doonaan saacadaha ugu dambeeya iyadoo lagu soo daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee safarka gaaban ku tegaya Emirates Stadium.
Labada ciyaartoy ee Ben Chilwell iyo Malo Gusto ayaa iyagu ka maqan liiska ciyaartoyda Chelsea ee maanta, waxaana maqan toban ciyaartoy inkasta oo ay usoo laabteen laacibiin muhiim ah sida Christopher Nkunku oo lagu soo daray liiska kooxda, inkasta oo isagana waqti dambe go’aan laga gaadhayo.
Xiddigaha kale ee Blues ka maqan ayaa waxa ka mid ah Levi Colwill, Wesley Fofana, Reece James, Malo Gusto, Romeo Lavia iyo Lesley Ugochukwu, halka uu shaki ku jiro Robert Sanchez iyo Cole Palmer.
Xiddigaha Chelsea ee kulanka Arsenal ee caawa
Goolhayeyaal: Djordje Petrovic, Robert Sanchez, Marcus Bettinelli
Difaaca : Axel Disasi, Benoit Badiashile, Trevoh Chalobah, Thiago Silva, Alfie Gilchrist, Marc Cucurella
Khadka Dhexe : Moises Caicedo, Enzo Fernandez, Conor Gallagher, Carney Chukwuemeka, Cesare Casadei
Forwards : Raheem Sterling, Mykhailo Mudryk, Cole Palmer, Christopher Nkunku, Nicolas Jackson, Noni Madueke, Deivid Washington