Leicester City ayaa u soo dalacday horyaalka Premier League, laakiin taageerayaashooda kuma faraxsana qaabkii ay ku soo baxeen.
Leicester ayaa hubanti ka dhigtay inay ku dhameysan doonaan midkood labada kaalimood ee ugu sareysa horyaalka heerka labaad ka dib markii Leeds United ay guuldarro 4-0 ka soo gaartay Queens Park Rangers xalay oo Jimce aheyd.
Waxay taasi la micno tahay in Leicester ay u soo baxday Premier League iyadoo aan kubad laadin si la mid ah sidii ay ku so baxeen 10 sannadood ka hor.
Waxay tani sidoo kale dhacday xilli ciyaareedkii ay ku guuleysteen Premier League markaasoo barbaro 2-2 ah oo ay galeen Chelsea iyo Tottenham ay xaqiijisay hanashada horyaalka ee Leicester.
Taageerayaashooda ayaan ku faraxsaneyn in kooxdooda ay mar walba guulo gaareyso iyadoo aan garoonka ku dhex jirin.
Taageere ayaa ku soo qoray baraha bulshada: “Waan ka xumahay laakiin inaan qaabkaan ugu soo dalacno Premier League ma ahan mid fiican. Waa sidii aan ku soo baxnay 2013/14, waa sidii aan horyaalka Premier League ku qaadnay 2015/16, haatana inagoon ciyaarin ayaan soo baxnay.”
Taageerayaal badan ayaana ku raacay iyagoo baraha bulshada ku soo qoray sida ay ugu xun yihiin inaysan kooxdooda kula dabaaldegin garoonka mar walba oo ay gaareen guul weyn oo u qalanta dabaaldeg weyn.
Leicester ayaa ku soo laabatay horyaalka Premier League ka dib markii ay heerka labaad u dhaceen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Laakiin waxay u badan tahay inay xilli ciyaareedka soo socda ku bilaaban doonaan iyagoo dhibco laga jarayo madaama lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga Premier League.
Waxaa u hartay labo kulan oo horyaalka heerka labaad ah iyagoo habeenka Isniinta u safraya Preston ka hor inta aysan xafladooda u soo bixitaanka Premier League qabsanin 4ta May markaasoo ay la ciyaarayaan Blackburn Rovers.