Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey jadwalka Koobka Adduunka 2026 oo wada-jir loogu qabanayo saddexda waddan ee deriska ah ee Maraykanka, Mexico iyo Canada, waxaana sidoo kale la iclaamiyey garoomada furitaanka iyo finalka ee xafladaha waaweyn laga samayn doono.
16 magaalo oo kala duwan ayaa loo asteeyey in ay ka dhacaan ciyaaraha Koobka Adduunka, waxaana mar kale uu dib ugu noqon doonaa koobku dalkii lagu qabtay sannadkii 1994kii ee Maraykanka oo ay Brazil ku guuleysatay.
Koobka Adduunka 2026 oo tirada dalalka ka qayb-gelaya laga dhigayo 48 dal, halka markii hore ay dalalka ka qayb-gelaya ahaayeen 32 waddan, ayaa waxa ciyaarta koowaad ee furitaanku ay ka dhici doontaa garoonka Estadio Azteca oo waddanka Mexico halka ciyaarta finalka lagu dheeli doono garoonka weyn ee quruxda badan ee MetLife Stadium oo ku yaalla magaalada New York.
Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta FIFA ee Gianni Infantino ayaa sidoo kale shaaciyey in xafladaha furitaanka iyo xidhitaanka uu qayb ka noqon doono aktarka caanka ah ee Kevin Hart.
Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026, ayaa mar horeba ka bilowday qaaradda Latin America, waxaana xasuus weyn ay u tahay Mexico iyo Maraykanka oo lagu kala qabtay 1986kii iyo 1994kii, waxaana markii lagu qabtay Mexico ku guuleystay waddankii la odhan jiray Galbeedka Germany oo goolka uu ciyaartii finalka u dhaliyey Jorge Luis Burruchaga.
Jadwalka Koobka Adduunka 2026 oo dhamaystiran
June 11-27: Wareegga Group-yada: waxa lagu ciyaari doonaa magaalooyinka Vancouver, Toronto, Mexico City, Monterrey, Guadalajara, Seattle, San Francisco, Los Angeles, Houston. Dallas, Kansas City, Atlanta, Miami, Boston, Philadelphia and New York/New Jersey.
June 29-July 3: Wareegga 32ka: Dhamaan magaalooyinka sare ku xusan ayaa lagu dheeli doonaa marka laga reebo Guadalajara iyo Philadelphia, iyadoo Los Angeles iyo Dallas lagu dheeli doono min laba ciyaarood.
July 4-7: Wareegga 16ka: waxa lagu dheeli doonaa Vancouver, Seattle, Mexico City, Houston, Dallas, Atlanta, Philadelphia iyo New York/New Jersey.
July 9-11: Wareegga siddeedda: waxa lagu ciyaari doonaa Los Angeles, Kansas City, Miami iyo Boston.
July 14-15: Semi-finalka: waxa lagu ciyaari doonaa Dallas iyo Atlanta.
July 18: Kaalita 3aad: Waxa lagu ciyaari doonaa magaalada Miami.
July 19: Finalka: Waxa lagu ciyaari doonaa garoonka MetLife Stadium ee East Rutherford ee New York/New Jersey.