Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday lambarka uu xidhanayo saxeexeeda cusub ee Vitor Roque oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense.
Vitor Roque oo ay da’diisu tahay 18 jir oo ay Barcelona kasoo bixisay €30 milyan oo Euro oo kaash ah iyo €35 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa iyo guulaha uu ku gaadho Camp Nou ayaa waxa la filayaa in uu habeen dambe u safto Barcelona kulankiisii koowaad.
Gool-dhaliyahan oo ay dadka qaarkood ku tilmaamaan inuu leeyahay sifooyinka halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario, ayaa waxa ay Barcelona u xidhay No.19 oo iska bannaanaa lixdii bilood ee ugu dambeeyey, taas oo soo afjartay hadal-hayn ka taagnayd lambarka uu xidhanayo.
Vitor Roque ayaa waxa uu kooxdiisii hore ee Athletico Paranaense u xidhan jiray No.9, laakiin Barcelona waxa lambarkaas haysta Robert Lewandowski, waxaana sidaas uu ula wareegay No.19 oo uu banneeyey Franck Kessie oo xagaagii u wareegay kooxda Al Ahli ee horyaalka waddanka Sucuudiga.
Waxa kale oo lagu xasuustaa No.19 difaaca bidix ee Lucas Digne oo xidhnaa intii u dhaxaysay 2016 illaa 2018, Sandro Ramiez, Ibrahima Afellay, Martin Montoya, Maxwell iyo sidoo kale Lionel Messi oo xidhnaa ka hor intii aanu la wareegin No.10.