Kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro ayaa la sheegay in uu qorshaynayo inuu iskaga tago Manchester United xagaaga foodda inagu soo haya, waxaana uu sii calaamadsaday kooxda uu ka degayo marka uu shandaddiisa ka xidh-xidho Old Trafford.
Casemiro oo August 2023 ay Manchester United kala soo wareegtay Real Madrid iyadoo bixisay lacag ka badan 70 milyan oo Gini, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Old Trafford uu ahaa mid uu bandhig heersare ah ka sameeyey, isagoo ka caawiyey Red Devils inay ku guuleysato Carabao Cup oo ay soo afjarto shan sannadood oo xidhiidh ah oo aanay wax koobab ah ku guuleysanin.
31 jirkan oo 16 ciyaarood oo ay kooxdiisu ciyaartay dhaawac kaga maqnaaday xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa 18kii bilood ee uu ka tirsanaa Manchester United uu u dhaliyey 11 gool iyo toddoba kale oo uu caawiyey, isaga oo u saftay 63 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.
Sida uu ku warramayo wariye Ali Al-Harbi, Casemiro ayaa waxa uu xagaaga u wareegi doonaa kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Nassr oo uu u saxeexi doono heshiis laba sannadood iyo badh ah oo socon doona illaa laga gaadhayo xagaaga 2026.
Waxa uu Casemiro kula midoobi doonaa Al-Nassr saaxiibkiisii hore ee Real Madrid iyo Manchester United ee Cristiano Ronaldo, iyagoo sidoo kalena isku koox noqon doona Sadio Mane, Aymeric Laporte, Otavio iyo Marcelo Brozovic.