Xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Endrick ee bisha July iman doona Real Madrid ayaa kala doortay labada halyey ee Real Madrid ee isku magaca ah ee Cristiano Ronaldo iyo Ronaldo Nazario.
Endirc oo hadda u ciyaara kooxda reer Brazil ee Palmerias ayaa waxa uu Real Madrid usoo guuri doonaa marka ay da’diisu noqoto 18 jir bisha July ee sannadkan, markaas oo uu bilaabi doono waayihiisa kubadda cagta Yurub.
Da’yarkan oo toddobaadkan dhamaaday wacdaro ka dhigay ciyaarihii caalamiga ahaa oo uu goolal ka dhaliyey kulamadii Brazil la dheeshay England iyo Spain, ayaa waxa uu sidoo kale ku naaloonayaa kooxdiisa Palmeiras oo 66 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 18 gool iyo saddex uu caawiyey.
Endrick ayaa waraysi uu bixiyey waxa lagu weydiiyey su’aal adag oo ahayd midka uu taageero halyeyga dalkiisa ee Ronaldo Nazario iyo laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.
17 jirkan ayaa markii hore waxa uu ku jawaabay: “Labadaba waan taageeraa”, balse waxa lagu celiyey inuu midkood doorto isla markaana aan labadaba loo ogolayn, waxaanu si kooban uu jawaabay: “Laakiin, Cristiano”, isaga oo qiray inuu taageere u yahay isla markaana daawado xeeladihiisa, halka Ronaldo Nazario uu kubadda cagta ka fadhiistay laacibkan oo shan sannadood jira.
Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid ay £89 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Manchester United sannadkii 2009, waxaana uu noqday ciyaartoya ugu oolasha badan taariikhda naadigan isaga oo u dhaliyey 450 gool iyo 131 kale oo uu caawiye uga noqday, isaga oo u saftay 438 ciyaarood.
Intii uu joogay Santiago Bernabeu, Cristiano Ronaldo ayaa kula guuleystay Real Madrid afar Champions League oo saddex ka mid ah ay isku xigeen iyo koobab kale oo badan.
Dhinaca kale, Ronaldo Nazario ayaa sannadkii 2002 ay Real Madrid kala soo wareegtay Inter Milan, waxaana shan sannadood oo uu joogay Santiao Bernabeu uu saftay 177 ciyaarood isaa oo u dhaliyey 103 gool iyo 35 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu kula guuleystay laba horyaal oo LaLiga ah iyo koobab kale oo maxalli ah.