Pep Guardiola oo ay kooxdiisu hal dhibic ka hoosayso Arsenal iyo Liverpool oo isku dhibco ah, ayaa waxa ciyaartan ka hor walaac ku abuuray dhaawacyada difaacyahannada reer England ee John Stones iyo Kyle Walker.
Cesc Fabregas oo ka hadlay ciyaartan ayaa sheegay, in Pep Guardiola uu kulamada waaweyn usoo qorsheeyo sida kooxaha yaryar oo kale, isla markaana uu kusoo geli doono falsafad ku dhisan weerar si kooxdiisa aanu culays ugu imanin.
Fabregas oo la hadlayey warbaahinta ka hor ciyaartan ayaa yidhi: “Pep Guardiola mar walba ciyaaraha isku si ayuu ugu diyaar-garoobaa, isku qaabna wuu u waajahaa. Si uu ciyarta ugu guuleysto, waxa uu kusoo geli doonaa koox weerar ah, wax kasta oo ay ku kacayso.
“Waxa uu sidoo kale caddeeyey in uu fursado siinayo ciyaartoyda da’yarta ah oo aanu ka baqaynin taas. Waa uu sameeyey wax kasta oo uu samaynayay, waxay ila tahay in ay arrintani mowduuc u noqon doonto laakiin marka aad ka eegto tayada iyo orodka difaaca, waxay noqon doontaa mid weyn.”
Mar la weydiiyey awoodda Arsenal ay iskaga celin karayso Man City oo kulankoodii hore ee Premier League ee bishii December ee Emirates 1-0 ku garaacday City, ayaa waxa uu Cesc Fabregas ku jawaabay: “Arsenal in badan ayay sannadkan ka kortay sidii xilli-ciyaareedkii hore, sababtuna waa labadan ama saddexdan ciyaartoy ee ay safkooda kusoo kordhiyeen. Hadda waa koox adag oo qaan-gaadh ah, waxay awood ku leeyihiin kubbadaha weerarka degdegga ah, kubadda ayay haystaan, si adag ayay isku difaacaan. Hadda waxyaabo badan ayay maamulaan, waana koox aad u adag oo dhamaystiran.”
Cesc Fabregas oo la weydiiyey haddii ay Arsenal awoodi doonto inay markii labaad garaacdo Man City xilli-ciyaareedkan ayaa ku jawaabay: “Way garanayaan waxa ay u baahan yihiin si ay u garaacaan Man City sababtoo ah mar hore ayay sameeyeen sidaas, waxaanay noqon doontaa ciyaar xiiso badan, laakiin loollan weyn ayay ku tahay Arsenal marka aad eegto halka ay hadda joogaan.
“Waxay ila tahay, in ay dadka layaab ku ridi doonaan (kulanka Man City) sababtoo ah hal tallaabo ayay ka sarreeyaan sida uu qof walba u malaynayo.”
Ugu dambayntii Cesc Fabregas ayaa saadaal ka bixiyey ciyaartan, waxaana uu libinta siiyey Arsenal oo uu sheegay inay 2-1 ku adkaan doonto.