Manchester United waxay maanta guul weyn ka gaadhay West Ham oo ay ku garaacday garoonka Old Trafford, iyadoo iskugu dartay saddex gool iyo saddex dhibcood oo ay ka xoogtay, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0.
Laba gool oo uu dhaliyey Alejandro Garnacho iyo goolka furitaanka oo uu saxeexay Rasmus Hojlund oo dhalashadiisa 21aad ugu dabbaal-degay goolkaas, ayaa Manchester United siiyey guushan, iyadoo Kalphin Phillips uu sameeyey qaladka goolka saddexaad.
West Ham 20 jeer ayay toogatay goolka Manchester United, waxaanay u dhowaadeen inay barbarreeyaan ka hor intii aanu Alejandro Garnacho keenin goolka labaad ee Manchester United ay ku xaqiiqsatay in aan laga daba iman karaynin, iyadoo Emerson Royal uu ka faa’iidayn waayey qalad uu sameeyey Harry Maguire.
Guusha ay Manchester United gaadhay maanta, waxa ay keentay, in ay soo cidhiidhsadaan kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, sidoo kalena waa ciyaartii shanaad ee dhamaan tartamada ah ee aan dhinacooda dhulka la dhigin.
Xiddigii garoonka
Alejandro Garnacho ayaa xiddiga garoonka ka xoogay Rasmus Hojlund oo jeclaan lahaa in uu abaal-marintan ugu dabbaal-dego xuska dhalashadiisa. Da’yarka reer Argentina ayaa dhaliyey laba gool, sidoo kalena saamayn badan ku lahaa ciyaarta, waxaana si la isku raacsan yahay loo siiyey abaal-marinta xiddiga garoonka.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man Utd: Onana (6), Dalot (7), Maguire (5), Martinez (7), Shaw (7), Casemiro (7), Mainoo (6), Fernandes (6), Garnacho (8), Hojlund (7), Rashford (6).
Beddelka: McTominay (6), Varane (6), Antony (n/a), Lindelof (n/a).
West Ham: Areola (6), Coufal (6), Johnson (7), Zouma (6), Aguerd (6), Emerson (5), Soucek (6), Ward-Prowse (6), Alvarez (6), Kudus (7), Bowen (6).
Beddelka: Fabianski (6), Phillips (5), Cornet (6).