Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qaadatay go’aan ka cadhaysiiyey Atletico Madrid saacado ka hor bilowga ciyaartooda Madrid Derby ee garoonka Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa wax walba u samaynaysa si ay u guuleysato maadaama laba jeer oo hore ay Atletico Madrid ka badisay xilli-ciyaareedkan, isla markaana aanay hore taariikhda usoo marin in saddex jeer hal xilli-ciyaareed gudihii ah ay Atletico uga adkaato Real.
Xafiiltanka u dhexeeya labadan kooxood oo sannadihii ugu dambeeyey sii xoogaystay, isla markaana Atletico ay ku ciyaarto qaab dagaal ah, ayaa waxa Real Madrid ay go’aansatay in ay ka faa’iidaysato garoonkeeda iyo taageereyaasheeda.
Sida uu ku warramayo Diario AS, Real Madrid ayaa dabooli doonta saqafka sare ee garoonkeeda oo gebi ahaanba ka dhigi doonta mid dusha xidhan, iyadoo waliba ay cimilladu tahay mid huur ah oo aanu roob da’aynin.
Warka ayaa intaa ku daray, in ay Atletico Madrid layaabtay go’aankan oo ay u aragto mid aan habboonayn maadaama aanay jirin sabab ku kallifaysa Madrid inay xidho dusha sare ee garoonkeeda oo tiknoolojiyad casri ah oo lagu sameeyey ay u ogolaanayso in qaabab badan loo dhigi karo.
Laakiin Real Madrid ayaa waxa ay arrintan u aragtaa in ay faa’iido u tahay ciyaartoydeeda si buuqa iyo qaylada taageereyaashu ay u khalkhaliyaan Atletico Madrid.