Tartanka Qaramada Afrika ayaa la ciyaarayaa markii 34aad, waxaana uu 13ka bishan January ka furmayaa waddanka Ivory Coast iyadoo Senegal ay u dagaallami doonto inay difaacato koobkan oo ay sannadkii 2022 ku guuleysatay markii ugu horreysay taariikheeda.
AFCON ayaa si joogto ah labadii sannadoodba mar loo qaban jiray tan iyo sannadkii 1957kii, waxaanay qaaradda madoow isku dayaysay inay la tartantiiso tartamada Qaramada Yurub, Copa America iyo Koobka Adduunka, illaa haddana ma aanu luminin muhiimaddiisa.
Tartanka sannadkan waxa laga qabanayaa IVory Coast oo cimilladeedu diirran tahay, waxaana indhaha lagu hayn doonaa sida Senegal oo sannadkii ugu dambeeyey ku guuleysatay ay ugu dagaallanto inay difaacato. Masar oo iyaduna labadii jeer ee ugu dambeeyey finalka timid, ayaa sidoo kale indhaha lagu hayn doonaa.
Qiimayn lagu sameeyey xulalka ka qayb-gelaya tartanka ayaa waxa lagu shaaciyey shanta waddan ee ugu xooggan ee ay u badan tahay in midkood uu ku guuleysan doono tartanka.
Morocco oo tartanka AFCON ku guuleysatay sannadkii 1976kii ayaa noqotay waddanka ugu cadcad ee sannadkan la filayo inay ku guuleysato tartanka, maadaama ay haystaan ciyaartooyo waaweyn, isla markaana sannadkii 2022 ay wacdaro ka dhigeen Koobkii Adduunka.
Waa kuwan shanta dal ee ugu cadcad iyo taariikhdooda koobka
5. Nigeria
Waqtiyadii ay ku guuleysteen: 1980, 1994, 2013
4. Ivory Coast
Waqtiyadii ay ku guuleysteen: 1992, 2015
3. Egypt
Waqtiyadii ay ku guuleysteen: 1957, 1959, 1986, 1998, 2006, 2008. 2010
2. Senegal
Waqtiyadii ay ku guuleysteen: 2021
1. Morocco
Waqtiyadii ay ku guuleysteen: 1976