Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay inay dib u heshay xiddigaha dhaawaca kaga maqnaa ee Casemiro iyo Lisandro Martinez, isla markaana ay tababarka buuxa la qaateen ciyaartoyda kooxdaas.
Red Devils oo xilli-ciyaareed ku jirta xaalad niyad-jab ah ayaa waxa ragaadiyey dhaawacyo ay ku weyday xiddigo waaweyn oo ay ugu horreeyaan labadan ciyaartoy ee hadda usoo laabtay oo ka furan doona culaysyadii badnaa.
Casemiro ayaa ku dhaawacmay ciyaartii Newcastle United ee Carabao Cup ee bishii November, waxaana uu garoomada ka maqnaa illaa waqtigaas, halka Lisandro Martinez bishii September lagu sameeyey qalliin uu sababay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Bayern Munich.
Manchester United oo Isniinta January 8 la ballansan Wigan Athletic oo ay safar ugu tegi doonto wareegga saddexaad ee FA Cup ayaa la filayaa in Casemiro iyo Lisandro Martinez ay ka mid noqdaan liiskeeda, halka horyaalka Premier League ay ciyaartooda ugu soo horreysa waajihi doonaan Tottenham Hotspur 14ka January.