Waxa lasoo saaray 20kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa garoomada kubadda cagta 12kii bilood ee ugu dambeeyey, waxaana kasoo dhax-muuqda Lionel Messi oo ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or iyo Cristiano Ronaldo, laakiin labadooduba waxa ay ku jiraan meel hoose.
Qiimaynta sannadka dhamaaday oo lagu eegay bandhigga garoomada gudahooda, ayaa waxa sagaalka kaalmood ee ugu horreeya qaybsaday ciyaartoyda loo arko jiilka mustaqbalka ee ay u dhaxayn doonto tartanka abaal-marinta Ballond d’Or oo ka bilaabmi doona sannadkan curtay, sababtoo ah labadii ciyaartoiy ee muddada dheer safka hore soo taagnaa ee Ronaldo iyo Messi ayaa hawlgab kusii socda.
Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland ayaa kaalinta koowaad kaga jira qiimaynta 20ka ciyaartoiy ee ugu wanaagsanaa kubadda cagta sannadkii 2023, inkasta oo uu kaalinta labaad ka galay abaal-marinta Ballon d’Or oo uu Lionel Messi ka qaaday.
Jude Bellingham oo wacdaro kula bilowday Real Madrid iyo Rodri oo tiir-dhexaad u ah Manchester City ayaa soo kala cidhiidhsaday kaalmaha labaad iyo saddexaad, halka Kylian Mbappe uu booska kaalinta 4aad kaga jiro liiskan.
Halkan kaga bogo qiimaynta 20ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa 12kii bilood ee ugu dambeeyey
20. William Saliba
19. Julian Alvarez
18. Declan Rice
17. Jamal Musiala
16. Bukayo Saka
15. John Stones
14. Antoine Griezmann
13. Vinicius Junior
12. Lautaro Martinez
11. Lionel Messi
10. Cristiano Ronaldo
9. Mohamed Salah
8. Victor Osimhen
7. Bernardo Silva
6. Kevin De Bruyne
5. Kylian Mbappe
4. Harry Kane
3. Rodri
2. Jude Bellingham
1. Erling Haaland