Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo galay lixdii bilood ee ugu dambeeyey qandaraaskiisa PSG, isla markaana xor u ah inuu la xaajoodo Real Madrid laga bilaabo xalay saqdii dhexe ayaa waxa uu guri ka kiraystay magaalada Madrid ee waddanka Spain.
Kylian Mbappe oo si weyn loola xidhiidhinayo Real Madrid oo la sheegay inuu bishan January heshiis hordhac ah usii saxeexayo, ayaa waxa uu u muuqdaa inuu waqti horeba quus ka dhigayo PSG oo uu ka xidhayo albaabada wada-xaajoodka.
Los Blancos ayaa la fahamsan yahay inay Mbappe u bandhigtay €26 milyan oo Euro oo sannadkii uu mushahar u qaadanayo iyo €130 milyan oo Euro oo kale oo gunnada saxeexa heshiiska ah oo ay Real Madrid siin doonto Mbappe maadaama uu si xor ah ugu soo wareegayo oo aanay wax lacag ah siinayn naadiiisa PSG oo uu bilaash kaga tegayo.
Real Madrid ayaa hore loo sheegay inay laacibkan u qabatay inuu kaga jawaabo dalabka ay u bandhigayaan inta ka horreysa 15ka bishan January, iyadoo haddii muddadaas uu wax jawaab ah ku bixin waayo ay u jeedsan doonaan dhinaca weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland.
Sida uu sheegay telefishanka El Chiringuito TV, Kylian Mbappe ayaa u muuqda in uu mar hore u jawaabay Real Madrid, sababtoo ah waxa uu magaalada Madrid ka kiraystay guri qasri ah oo ay ku noolaadaan isaga iyo qoyskiisu.
Si kastaba ha ahaatee, 25 jirkan ayaa ah hadal-haynta ugu weyn ee suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, waxaanay Madrid doonaysaa inay meel ku hubsato heshiiskiisa si aanu isbeddel ugu imanin go’aanka laacibkan.