Qiimayn lagu sameeyey ciyaartoyda u dhashay waddanka Faransiiska ee dheela kubadda cagta, ayaa lagu soo xulay 15ka ugu wanaagsan waqtigan, kuwaas oo tababare Didier Deschamps uu mar horeba qorsheeyey inay hormood u noqdaan safkiisa tartanka qarama Yurub ee Euro 2024.
Faransiiska ayaa isku diyaarinaya tartanka qaramada Yurub ee bisha dambe ee June ka furmi doona waddanka Germany, waxaana culayska xulashada tababare Didier Deschamps ka dul-qaadday qiimayn la sameeyey oo uu si fudud ugu go’aan gaadhi karayo.
Ciyaartoyda hormoodka u ah Faransiiska ayaa waxa ka mid ah oo la isku raacsan yahay Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann oo ah kuwa bud-dhigga u noqon doona dalkaas tartanka Euro 2024.
Xiddigaha soo baxaya ee Michael Olise iyo Warren Zaire-Emery ayaa inkasa oo ay bandhig fiican ka samaynayaan garoomada, waxa ay tusaale u noqdeen in Faransiisku uu haysto ciyaartooyo wanaagsan sababtoo ah waxa ay awoodi waayeen inay ka mid noqdaan 15ka ciyaartoy ee ugu fiican ee uu dalkaasi haysto.
Ciyaartoyga kaalinta koowaad ku jira ee ugu fiican ee uu Faransiisku haysto ayaa noqday Kylian Mbappe oo 77 ciyaarood u saftay xulka dalkaas, waxaana uu ka sarreeyaa Antoine Grizmann oo 127 kulan u dheelay dalkiisa isla markaana ah ciyaartoyga labaad ee ugu safashada badan ee wali usii ciyaara xulka, waxaana kaliya ka horreeya Oliver Giroud oo 131 ciyaarood u dheelay xulkiisa.
Halkan kaga bogo 15ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan xulka France
Qiimaynta 15ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan ee uu haysto xulka France | |||
---|---|---|---|
Qiimayn | Ciyaartoyga | Kooxda | Tirada kulamadiisa xulka |
1. | Kylian Mbappe | PSG | 77 |
2. | Antoine Griezmann | Atletico Madrid | 127 |
3. | Theo Hernandez | AC Milan | 25 |
4. | Aurelien Tchouameni | Real Madrid | 31 |
5. | William Saliba | Arsenal | 13 |
6. | Marcus Thuram | Inter Milan | 18 |
7. | Olivier Giroud | AC Milan | 131 |
8. | Ibrahima Konate | Liverpool | 14 |
9. | Edouardo Camavinga | Real Madrid | 15 |
10. | Mike Maignan | AC Milan | 14 |
11. | Benjamin Pavard | Inter Milan | 53 |
12. | Adrien Rabiot | Juventus | 43 |
13. | Ousmane Dembele | PSG | 43 |
14. | Jules Kounde | Barcelona | 26 |
15. | Randal Kolo Muani | PSG | 15 |