Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa uu hoy u noqday qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan kubadda cagta. L;aga soo bilaabo Cantona illaa Henry, Drogba iyo Ronaldo, haddana lasii gaadhsiiyo Salah illaa Haaland, waxa ay ahaayeen jiilashii ugu fiicnaa ee uu helay horyaalka Premier League, tan iyo markii uu qaatay magacan sannadkii 1992kii.
Sannadba sannadka ka dambeeya, waxa ay kooxaha Ingiriisku soo saaraan ciyaartooyo kasoo9 baxa kulliyadahooda oo ay u carbiyaan inay noqdaan hoggaamiyeyaasha ay guulaha ka sugaan marka ay kubaddoodu qaan-gaadho, waxaana kooxaha ku suntan ka mid ah Manchester United iyo Arsenal oo sabir u yeesha da’yartooda.
Waqtigan la joogo, horyaalka Premier League waxa uu haystaa ciyaartooyo tiro badan oo ay da’doodu yartahay oo ku tartamaya abaal-marinnada ugu waaweyn ee adduunyada iyo tartamada intaba, waxaase aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayn lagu soo xulay 15ka da’yar ee ugu wanaagsan ee ay kooxuhu haystaan waqtigan.
Dhamaantood waa kuwo ay da’doodu tahay 20 jir iyo ka yar oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada, waxaana figta sare jooga weeraryahanka kooxda Brighton ee Evan Ferguson oo ah 19 jir ay Manchester United isku dayday oo looga dhaartay, halka difaaca Chelsea ee Levi Colwill uu isaguna liiskan soo galay.
Halkan kaga bogo 15ka da’yar ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League waqtigan iyo kooxahooda
1. Evan Ferguson – Brighton & Hove Albion (19)
2. Levi Colwill – Chelsea (20)
3. Rasmus Hojlund – Manchester United (20)
4. Alejandro Garnacho – Manchester United (19)
5. Romeo Lavia – Chelsea (19)
6. Harvey Elliott – Liverpool (20)
7. Rico Lewis – Manchester City (19)
8. Kobbie Mainoo – Manchester United (18)
9. Carney Chukwuemeka – Chelsea (20)
10. Julio Enciso – Brighton & Hove Albion (19)
11. Alex Scott- Bournemouth (20)
12. Facundo Buonanotte – Brighton & Hove Albion (19)
13. Jack Hinshelwood – Brighton & Hove Albion (18)
14. Lewis Miley – Newcastle United (17)
15. Aaron Ramsey – Burnley (20)