Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u badheedhaysa dagaal dhinaca suuqa ah oo ay wada galaan kooxda reer Spain ee Real Madrid, waxaanay isku haystaan ciyaartoy ay go’aankiisa leedahay Los Blancos oo ku jira qorshaha Carlo Ancelotti ee xilli-ciyaareedka dambe.
Manchester United oo shalay fasaxday Sergio Reguilon oo dib ugu laabtay kooxda ay amaahda kaga soo qaateen ee Tottenham ayaa waxa ay calaamadsatay oo ay doonayaan inay la saxeexdaan difaac bidix oo kale oo ay ku xoojiyaan safkooda marka la gaadho xagaaga.
Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu dalbaday difaaca bidix ee kooxda Girona ee Miguel Gutierrez oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Spain ee LaLiga, kaas oo usbuucii ugu dambeeyey ay dhawr jeer xidhiidho la samaysay United.
Miguel Gutierrez oo ciyaartii ay Arbacadii 4-3 ku garaaceen Atletico Madrid ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnayd Girona, ayaa waxa uu ka sokow difaaca uu kubbado badan ka keenaa garabka bidix, waxaana uu ka mid yahay sirta guulaha layaabka leh ee Girona ee xilli-ciyaareedkan.
22 jirkan oo Girona ugu soo bilowday 20 ciyaarood fasalkan, ayaa dhaliyey hal gool, waxaana uu caawiyey saddex kale, waxaana uu kaalmaha sare kaga jiraa qorshaha Manchester United ee suuqa iibka ciyaartoyda.
Laakiin Real Madrid oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay ayaa iska leh go’aanka mustaqbalka Miguel Gutierrez, waxaana sannadkii 2022 markii ay ka iibisay Girona ay ku dartay heshiiskiisa in iska leedahay kala-badh mulkiyaddiisa, isla markaana ay £10 milyan oo Gini dib ugu soo ceshan karayso.
Warka ayaa intaa ku daray, in Real Madrid ay doonayso inay Gutierrez kusoo celiso Santiago Bernabeu oo uu ka mid noqdo ciyaartoyda ku tartamaysa booska difaaca bidix, maadaama xagaaga uu si xor ah uga tegi doono Ferland Mendy oo ay dhaawacyo ragaadiyeen.