Tobanka weeraryahan ee ugu wanaagsan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli-ciyaareedkan ayaa qiimayn lagu soo saaray, iyadoo loo eegay tirada goolasha ay dhaliyeen, caawinta iyo fursadaha ay u abuureen ciyaartoyda kale ee kooxdooda.
Erling Haaland ayaa noqday ciyaartoyga aanu shakigu ku jirin inuu yahay weeraryahanka ugu wanaagsan horyaalka Premier League iyo adduunaydaba, waxaana isaga oo 10kii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa ka maqnaa uu haddana hoggaaminayaa tartanka gool-dhalinta Premier League.
Gabriel Jesus oo Arsenal ah oo bandhig heersare ka sameeyey horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii hore ayaa kaalinta shanaad kaga jira qiimaynta ciyaartoyda No.9ka ka dheela ee ugu fiican Premier League xilli-ciyaareedkan.
Kabtanka Tottenham ee Son Heung-min ayaa kaalinta labaad soo galay oo dhaliyey 12 gool, halka Ivan Toney oo siddeeddii bilood ee ugu dam beeyey ganaax ku maqnaa markii lagu helay inuu khamaar mamnuuc ka ah ciyaartoyda ku kacay ayaa si lama filaan ah usoo galay kaalinta saddexaad, iyadoo Ollie Watkins uu u dhacay b ooska afraad isaga oo 10 gool dhaliyey.
Qiimaynta oo la isku barbar-dhigayo tirada kulamada iyo goolasha, ayaa waxa lixaad ku jira Julian Alvarez oo siddeed gool u dhaliyey Manchester City, iyadoo Alexander Isak uu isaguna toddobaad fadhiyo oo uu 10 gool oo horyaalka ah dhaliyey.
Diogo Jota oo Liverpool ah ayaa ka maqan liiska tobanka weeraryahan ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League, laakiin waxa kooxdiisa kaga jira Darwin Nunez oo 7 gool dhaliyey xilli-ciyaareedkan, iyadoo Mohamed Salah aan lagu soo darin sababtoo ah waxay qiimayntani ku kooban tahay ciyaartoyda booska No.9.
Halkan kaga bogo qiimaynta weeraryahannada ugu fiican Premier League
No. | Magaca | Kooxda | Tirada goolasha uu dhaliyey | Celceliska goolasha |
1 | Erling Haaland | Manchester City | 14 | 7.44 |
2 | Son Heung-min | Tottenham Hotspur | 12 | 7.40 |
3 | Ivan Toney | Brentford | 2 | 7.88 |
4 | Ollie Watkins | Aston Villa | 10 | 7.23 |
5 | Gabriel Jesus | Arsenal | 4 | 7.07 |
6 | Julian Alvarez | Manchester City | 8 | 7.30 |
7 | Alexander Isak | Newcastle United | 10 | 6.91 |
8 | Callum Wilson | Newcastle United | 7 | 6.80 |
9 | Darwin Nunez | Liverpool | 7 | 7.09 |
10 | Dominic Solanke | AFC Bournemouth | 12 | 7.02 |
Stati |