Kaddib guulihii Salaasadii iyo Arbacadii ee kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester City, waxa naadiyadan kusoo aaddan jadwal cidhiidhi ah oo ay iyaguna sanka isla geli doonaan iyagoo garoonka Emirates ay ku ballansan yihiin Liverpool iyo Arsenal maalinta Axadda.
7.30 fiidnimo ee waqtiga Geeska Afrika ayaa garoonka Emirates loogu goleyn doonaa Liverpool iyo Arsenal oo ciyaartooda si weyn loo sugayo, waxaana natiijadan kulankan sugaya kooxaha kale ee kula tartamaya horyaalka.
Liverpool oo shan dhibcood oo nadiif ah hoggaanka kaga haysa Arsenal iyo Manchester City, ayaa halgan u geli doonta inay guuleysato si ay ugu sii negaato hoggaanka iyadoo farqi badan oo dhibco ah horreysa, halka Arsenal ay ogsoon tahay in haddii laga badiyo ay u dhici doonaan kaalinta shanaad oo ay halis geli doonto fursadda ay ugu tartamayaan horyaalku.
Manchester City ayaa iyaduna u tegi doonta Brentford oo ay ku booqanayso London maalinta Isniinta iyadoo sii ogaatay natiijooyinka naadiyada ay xafiiltamayaan.
Haddaba, waa sidee kulamada shanta ah ee kusoo socda shanta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League?
Liverpool ayaa imtixaanka ugu adag maraysa oo ku furanaysa Arsenal oo ay marti u noqonayso, kaddibna Burnley, Brentford iyo Nottingham Forest ayay la ciyaari doontaa ka hor inta 9ka bisha dambe ee March garoonka Anfield kusoo dhoweynin Manchester City.
Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa shanta ciyaarood ee kusoo waajahan ay yihiin kuwo fudud marka loo eego Liverpool, waxaana ay laba jeer waajihi doonaan Brentford, waxaana u raaci doona Everton, Chelsea iyo Bournemouth.
Arsenal ayaa dhinaceeda ay kulamada soo socdaa ku adag yihiin, waxaanay la dheeli doontaa Liverpool oo ciyaarta koowaad ah, West Ham oo uu xafiiltan badan ka dhexeeyo, Burnley, Newcastle iyo Sheffield United.
Halkan kaga bogo kulamada shanta ah ee Premier League ee kusoo waajahan kooxaha ugu sarreeya
Shanta ciyaarood ee kusoo waajahan Liverpool
Arsenal (Marti) – Axad, February 4
Burnley (Minan) – Sabti, February 10
Brentford (Marti) – Sabti, February 17
Nottingham Forest (Marti) – Sabti, March 2
Manchester City (Minan) – Sabti, March 9
Shanta ciyaarood ee kusoo waajahan Manchester City
Brentford (Marti) – Isniin, February 5
Everton (Minan) – Sabti, February 10
Chelsea (Minan) – Sabti, February 17
Brentford (Minan) – Salaasa, February 20
Bournemouth (Marti) – Sabti, February 25
Shanta ciyaarood ee kusoo waajahan Arsenal
Liverpool (Minan) – Axad, February 4
West Ham (Marti) – Axad, February 11
Burnley (Marti) – Sabti, February 17
Newcastle (Minan) – Sabti, February 24
Sheffield United (Marti) – Isniin, March 4
Shanta ciyaarood ee kusoo waajahan Aston Villa
Sheffield United (Marti) – Sabti, February 3
Manchester United (Minan) – Axad, February 11
Fulham (Marti) – Sabti, February 17
Nottingham Forest (Minan) – Sabti, February 24
Luton Town (Marti) – Sabti, March 2
Shanta ciyaarood ee kusoo waajahan Tottenham Hotspur
Everton (Marti) – Sabti, February 3
Brighton (Minan) – Sabti, February 10
Wolves (Minan) – Sabti, February 17
Chelsea (Marti) – Jimce, February 23
Crystal Palace (Minan) – Sabti, March 2