Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa geli doonta qas haddii ay xagaaga shaqada ka caydhiso tababaraheeda uu culaysku saaran yahay ee Mauricio Pochettino oo ay taageereyaashu dalbanayaan in la eryo.
Mauricio Pochettino oo maamulaya koox ciyaartoydeeda ku kharash garaysay £1 bilyan oo Gini, ayaa waxa Salaasadii 5-0 ku xasuuqday Arseanl, waxaana lagu canaananayaa in uu la’yahay xeelad uu kooxda iskugu dubba-rido.
Tababaraha reer Argentina ayaa ku dooda in kooxdiisu ay tahay mid mustaqbalka ah oo maalinba maalinta ka dambaysa ay horumar samaynayaan laakiin waxa niyad-jab ku ridaya taageereyaasha sida aanay kooxdu natiijooyin fiican u keenayn isla markaana xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ay kaalinta 11aad ugu jiraan.
Sida uu sheegay wargeyska The Sun, Chelsea ayaa haddii ay shaqada ka caydhiso Mauricio Pochettino waxa ay geli doontaa qas weyn oo kaga iman doona dhinaca ciyaartoyda oo uu kalsooni badan ka haysto tababare Pochettinino.
Kacdoon qolka labbiska dhaxdiisa ah oo dhibaato ku noqon doona tababaraha beddela ayaa ka bilaabmaya qolka labbiska, sida uu warku sheegay waxaanay arrintani ku riixaysaa Blues inay u ogolaadaan in Pochettino uu xilli-ciyaareed kale sii joogo.