Bayern Munich ayaa dareensan in laga eexday oo uu garsooraha ciyaartu garab siiyey Real Madrid ciyaartii Santiago Beranbeu ee ay guul-darrada 2-1 ah kala kulmeen kooxda reer Spain, taas oo keentay in ay ka hadhaan tartanka Champions League.
Bayern Munich ayuu xilli-ciyaareedkoodu kusoo dhamaaday murugo, waxaana ay muddo dheer kaddib ahaanayaan koox aan wax koobab ah ku guuleysanin xilli-ciyaareed dhan, taas oo aan kooxdaas ku dhicin tobannaan sannadood.
Garsooraha dhexe ee ciyaarta, ayaa sameeyey qalad weyn dhamaadkii ciyaarta, waxaana uu yeedhiyey siidhiga dhamaadka iyadoo Bayern Munich dhalisay gool balse aanay kubaddu shabaqa gaadhin.
Tababare Thomas Tuchel iyo difaaca dhexe ee reer Netherlands ee De Ligt ayaa warbaahinta u sheegay in garsooruhu uu sameeyey qalad weyn oo kooxdooda dilay.
Goolkan ayaan loo baahanin in VAR laga soo hubiyo, sababtoo ah garsooraha dhexe ayaa siidhiga yeedhiyey iyadoo aan kubadda goolka lagu laadin, waxaana uu raacay calanwadaha oo offside u sheegay.
Muuqaallada ayaa muujiyey, in De Ligt oo daqiiqaddii 113aad goolka dhaliyey aanu ku jirin offside oo ay ka horreysay gacanta Antonio Rudiger oo fidsanayd, balse wax boos ah ugama bannaanayn VAR sababtoo ah waxa aan la hubin in haddii aan siidhiga la yeedhin lahayn, in Munich ay dhalin lahayd ama in Real Madrid ay iska difaaci lahayd. Andriy Lunin xataa kubadda iskuma dayin inuu joojiyo ama uu isku tuuro maadaama garsooruhu siidhiga yeedhiyey.
De Ligt oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa yidhi: “Dhamaanteen waynu garanaynaa shuruucda, haddii aanay ciyaartu caddaan ahayn waa in uu garsooruhu ogolaado in ay sii socoto. Ceeb ayaa dhacday, waa wax layaableh, laakiin ugu dambayntii Real Madrid way u qalmayeen guusha.”
Zxp nin weyn oo aanu ku xidhanahay ayaa thye wax caadi ah war kasoo dhig,
Ogow Sharciyan kubada cagta gacanta lama xisaabiyo onside.