Newcastle United ayaa wajaheysa dagaal adag oo ay ku ceshato laacibkeeda halisya ah ee khadka dhexe Bruno Guimaraes, sida ay sheegtay The Sun.
Newcastle ayaa ogsoon inay u baahan yihiin inay iibiyaan ciyaartoydooda qaar si ay uga soo baxaan sharciga dhaqaale wanaaga.
Xiddigooda khadka dhexe ee rere Brazil kaliya diirada uma saarna kooxo waa weyn laakiin sidoo kale waxa uu ku haminayaa inuu ka dheelo Champions League.
Waxay tani keentay in PSG ay u dhaqaaqdo saxiixa ciyaaryahanka oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 100 milyan ginni.
Ilow ku dhow Newcastle ayaa u sheegay The Sun: “Newcastle waa ay ku adag tahay inay ceshato Bruno xagaagan.
“Waa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican dunida, wuxuuna muddo sannad ka badan diirada u saarnaa PSG.
“Waxay heli doonaan lacag badan xagaaga, sidaasi darteed kama labalabeyn doonaan inay bixiyaan lacagta lagu burburinayo qandaraaskiisa.
“Tababare Eddie Howe ma doonayo inuu dhumiyo ciyaaryahanka laakiin sharciga dhaqaale wanaaga ayaa qasab ka dhigeysa.”
Wararka ayaa sheegay in Arsenal iyo Manchester United ay sidoo kale xiiseynayaan Guimaraes, laakiin PSG ayaa la rumeysan yahay inay ku horeyso tartanka.
Newcastle ayaa xiddigaan ka soo bixisay 35 milyan ginni bishii Janaayo 2022kii, waxaana uu noqday xiddigooda ugu muhiimsan uguna qaalisan.
98 kulan uu saftay waxa uu Newcastle u dhaliyay 13 gool, isagoo mushahar ahaan u qaata 160 kun ginni.