Erik ten Hag ayaa uga digay Sir Jim Ratcliffe inuusan ka qasan dib u dhiska uu ka wado Manchester United.
Milkiilaha cusub ee Man United Ratcliffe ayaa shaki weyn ka qaba in Ten Hag uu yahay ninka ku haboon inuu ku hogaamiyo Red Devils waayaha cusub.
Ka hor kulanka Premier League ee ay caawa la ciyaarayaan Chelsea, tababaraha United ayaa la weydiiyay haddii ay cawaaqibta ka dhalan karta haddii United ay isbedel dhanka tababarka ah sameyso.
Ten Hag oo kooxdiisa ay haatan ku jirto kaalinta lixaad ayaa yiri: “Ha joojinin dib u dhiska socda. Waxaan heysanaa ciyaartooy fiican oo da’ yar oo soo baxaya.
“Horumar fiican ayay sameynayaan, waxayna ku jiraan nidaamkii loogu talogalay. Waxaan ku soconaa waddo wanaagsan iyo jiho wanaagsan, waxaana u baahanahay inaan qaadno talaabooyinka xiga.
“Waxaad u baahan tahay inaad raacdo nidaamka hadda socda.”
Hadalka Ten Hag ayaa ah mid uu kaga dalbanayo Ratcliffe inuu waqti siiyo isagoo uga digay in howsha hadda socota ay hakad geli doonto haddii isaga la ceyriyo.
Man United ayaan weli go’aan ka gaarin mustaqbalka tababare Erik ten Hag, laakiin waxa uu wajahayaa labo arimood midkood.
Tan koowaad oo ah in la ceyriyo haddii Man United ay koob ku guuleysan weyso islamarkaana ay u soo bixi weyso Champions League.
Tan labaad oo ah in awoodiisa la yareeyo oo uu xilli ciyaareed kale sii joogo, awooda laga yareynayo waxaa ka mid ah in laga qaadayo mas’uuliyadiisa ciyaartoyda la soo iibinayo iyo kuwa la iska iibinayo.