Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa maanta lagu arki doonaa qalab cusub oo uu garsooruhu madaxa ku xidhan yahay, waana kaamiro wajiga ugu xidhnaanaysa garsooraha kulanka Manchester United iyo Crystal Palace.
Garsooraha ciyaarta caawa ee Manchester United iyo Crystal Palace ee magaalada London, ayaa waxa loo doortay Jarred Gillet oo loo diiwaangelin doono rikoodh cusub oo ah inuu noqonayo garsoorihii ugu horreeyey ee Premier League ee loo xidho kaamirada wajiga.
Kamaraddan oo lagu magacaabo ‘RefCam’ ayaa waxa ay duubi doontaa ciyaarta, laakiin ma noqon doonto mid muuqaalladeeda tooska ah ay kasoo muuqanayaan ciyaarta, waxaase taas beddelkeeda loo isticmaali doonaa warbixinta ciyaarta kaddib, sida makarafoonka duuba codka garsooreyaasha iyo waxyaabaha ay ciyaartoyda ku yidhaahdaan amaba iyaga lagu yidhaahdo, taas oo ay maqal iyo muuqaal u beddelayso kaamiradu.
Madaxa xidhiidhka garsooraha Ingiriiska PGMOL ee HOward Webb ayaa soo kordhiyey kaamiradan markii rikoodheyaal laga diiday Nottingham Forest ciyaartii Everton ee bishii hore, waxaana markiiba ay anisixin ka heshay kaamiradani guddida samaysa shuruucda ciyaaraha ee IFAB, Premier League, PGMOL iyo labada kooxood ee caawa ciyaaraya intaba.
Ciyaartoyda ayaa sidoo kale ogsoonaan doona in marka ay garsooraha la hadlayaan laga duubayo muuqaal iyo cod, waxaanay ka baaqsan doonaan in ay hadallo turxaan leh ku yidhaahdaan.
Kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes oo caan ku ah in uu aragtidiisa usoo bandhigo garsooreyaasha ciyaar walba, ayaa hadda dib u maagi doona, sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayso.