Chelsea ayaa guuldaradeeda ugu cusleyd abid kala kulantay Arsenal iyadoo kooxda Mikel Arteta ay sii dheereysteen hogaankooda Premier League halka Mauricio Pochettino uu ku eedeeyay ciyaartoydiisa inay isdhiibeen.
Qaab ciyaareedkii xalay waxa uu cadaadiska ku kordhinayaa Pochettino kaasoo ciyaarta ka dib qirtay inaysan waligoodna u qalmin inay u soo baxaan tartamada Yurub haddii ay u ciyaaraan qaabkii xalay oo kale.
Qeybta taageerayaasha Chelsea ee Emirates ayaa faaruq aheyd ka hor dhamaadkii ciyaarta iyadoo Chelsea haatan laga dhaliyay 57 gool oo Premier League ah – goolashoodii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed laga dhaliyo iyadoo lix kulan ay weli u sii harsan tahay.
Iyadoo Aston Villa iyo Tottenham ay la ciyaarayaan kulamada soo socda, Pochettino ayaa yiri: “Waxaan wadahadalnay waqtigii nasashada, waxaana u sheegay inaan ciyaarta ku bilaaban karin sidii xumeyd ee aan ku bilaabanay. Labo gool ayaa naga dhashay, kooxdana way isdhiibtay. Ciyaartaba diyaar uma aheyn.
“Waa wax aan macquul aheyn inaad aragto kulankii Sabtida ee Wembley, qaab ciyaareed fantastik ah, waxaan si fiican u la tartanay Manchester City oo ka mid ah kooxaha dunida ugu fiican ka dibna maanta sidaan ayaan u dheelnay.
“Ciyaar waa lagaa badin karaa, Arsenal waxay u dagaalameysaa hanashada Premier League, laakiin qaabkii aan u dheelnay seddex maalmood ka hor iyo sida aan u ciyaarnay maanta, ma jirto wax marmarsiiyo ah.
“Seddex maalmood ka hor waxaan ciyaarnay ciyaar fantastik ah, waxaan u qalanay inaan finalka tagno. Maanta ciyaarteena waxaa lagu qeexi karaa erey walba oo xun.
Three days ago, fantastic game, great performance, deserved to go to the final. Today, you can use any words to describe our performance. Heerkeena ma xajin karno maalmaha xun. Marka ay maalin xun na soo wajahdo aad ayaan u sii xumaanaa. Marka aan fiicanahay waxaan awoodnaa wax walba.”