Qoyska Phil Foden oo iibinaya guri qaali ah oo £3m ah kaddib markii lagu caayay taageerayaasha Man Utd kulankii Manchester derby.
Qoyska Phil Foden ayaa go’aansaday inay iibiyaan guri ay lahaayeen,waxey ku doonayaan qiimo gaaraya £3m, kaddib todobaad xiisad leh oo ay ku jirtay hooyada ciyaaryahanka Manchester City ee Foden oo caayay taageerayaasha Manchester United intii lagu jiray kulankii Manchester derby ee Old Trafford.
Qoyska Foden ayaa hadda ku nool guri uu Phil iibsaday sanadkii 2021. Xiddiga Manchester City wuxuu halkaas ku noolaaday isaga iyo waalidkiis muddo sanooyin ah, ka hor intaanu u guurin guriga uu la leeyahay xaaskiisa Rebecca Cooke iyo saddexda carruur ay u heyso. Sanadkii 2022, qoyska Foden ayaa loo sheegay booliska sababo la xiriira buuqa xad-dhaafka ah, sida lagu faahfaahiyay warbixin ay qortay The Sun.
Hooyada Foden ayaa warbaahinta ku soo noqnoqotay toddobaadkan, kadib markii taageerayaasha Manchester United ay caayeen intii lagu jiray Manchester derby-ga Axaddii lasoo dhaafay. Foden oo muuqaal ahaan xanaaqsan ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqaddii 58aad kadib markii uu dhaawac soo gaaray. Ciyaaryahanka England waxaa difaacay tababarihiisa, Pep Guardiola, iyo sidoo kale ayeeyadiis, oo ku tilmaantay caydaasi “wax laga naxo”.
Foden wuxuu iibsaday gurigan ku yaal Cheshire sanadkii 2021 qiimo dhan £2.8m. Guri weyn oo ay ku jiraan barkad lagu dabaasho, simulaator golf iyo qolka khamriga ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu raaxeysto ee yaalla gurigaas.