Xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa wajahay weerarro cunsuriyadeed iyo naceyb diimeed intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday hay’adda Observatorio Español de Racismo y Xenofobia (Oberaxe), Yamal ayaa lagu bartilmaameedsaday hadallo nacayb ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo si toos ah u weeraray diintiisa Islaamka.
Qaar ka mid ah dadka weerarka ku qaaday Yamal waxay xitaa ku baaqeen in laga saaro xulka qaranka Spain iyo guud ahaan dalka, taasoo muujinaysa heerka sare ee naceybka loo qaaday ciyaaryahankan. Yamal wuxuu si cad u muujiyay ixtiraamka uu u hayo diintiisa, arrintaas oo dhalisay falcelin xun oo ka timid kooxo naceybka iyo takoorka ku dhaqma.
Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa kororka guud ee naceybka laga diiwaangeliyay Spain bisha Ramadaan, gaar ahaan kuwa la xiriira Muslimiinta iyo dadka ka soo jeeda Waqooyiga Afrika. Dowladda Spain ayaa sheegtay in ku dhowaad kala bar waxyaabaha naceybka ah ee la faafiyay bishii Maarso ay si toos ah ula xiriireen bulshada Muslimiinta ah.
Waxaa sidoo kale laga dhaleeceeyay baraha bulshada sida X (horey Twitter) iyo YouTube, kuwaas oo aan tallaabo ka qaadin waxyaabaha naceybka ah, halka TikTok ay tirtirtay 92% waxyaabaha xadgudubka ah.
Arrintan ayaa dhalisay baaqyo xooggan oo ku aaddan in la xoojiyo la dagaallanka takoorka iyo nacaybka ku saleysan diinta ee ka jira ciyaaraha iyo guud ahaan bulshada.