Xiddigii hore ee Chelsea, Joe Cole, ayaa saadaaliyay in Paris Saint-Germain ay ku guuleysan doonto tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Cole ayaa aaminsan in PSG, oo ah horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska, ay ku socoto waddadii saxda ahayd si ay u hanato koobka ugu weyn Yurub ee heerka kooxeed.
Hadalka Cole ayaa yimid kadib markii PSG ay xaqiijisay booskeeda semi-finalka Champions League.
Waxaa xusid mudan in PSG ay u gudubtay afar dhammaadka tartanka kadib markii ay celcelis ahaan 5-4 uga badiyeen Aston Villa.
Kooxda uu hoggaamiyo Luis Enrique ayaa 3-1 ku badisay lugtii hore ee quarter-finalka oo ka dhacday Paris todobaadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa 3-2 looga adkaaday lugtii labaad ee ka dhacday garoonka Villa Park fiidnimadii Talaadada.
Haatan PSG waxay wajihi doontaa Arsenal ama Real Madrid wareega semi-finalka, halka Barcelona, oo ka adkaatay Dortmund labada lugood, ay la ciyaari doonto Inter Milan ama Bayern Munich.
Joe Cole oo la hadlay TNT Sports ayaa yiri: “Waan xasuusannaa PSG-dii dhowr sano ka hor.”
“Waxay ku guuleysanayeen horyaalka, laakiin tartan sida Champions League ah laguma guuleysan karo iyadoo sidaas loo ciyaarayo.”
“Waa in la amaano dadka PSG ka tirsan ee isku yimid kuna dhawaaqay in jiho cusub la qaadayo.”
“Dhammaantood waxay ku socdaan dariiqa saxda ah, aniga ahaan si dhab ah ayaan u rumeysanahay inay ku guuleysanayaan tartankan. Xitaa waan laba jibaarayaa aaminaaddayda.”