Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa saadaaliyey in Arsenal oo ay ku tartamayaan horyaalka Premier League ay guuleysan doonto dhamaan kulamada u hadhay ee saddexda ah, waxaana uu digniin dadban siiyey ciyaartoyda kooxdiisa.
Arsenal ayaa waxa ay Axaddii 3-2 kaga soo adkaatay Tottenham, horena waxa ay usoo xasuuqday Chelsea iyadoo labadan ciyaaroodba ay saadaaliyeyaashu sheegayeen in Gunners la qaban doono.
Manchester City ayaa dhinaca kale waxa ay 2-0 kaga soo adkaatay Nottingham Forest, waxaanay hal dhibic usoo jirsatay Arsenal oo hoggaanka haysa, laakiin Man City waxa ay haysataa hal kulan oo baaqi u ah oo ay la ciyaari doonaan Tottenham.
Pep Guardiola oo la hadlay saxaafadda kaddib guushii kooxdiisa ee Nottingham, ayaa sheegay, in Arsenal ay guuleysan doonto saddexda kulan ee u hadhsan ee Bournemouth, Manchester United iyo Everton, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in kooxdiisuna ay dedaal badan samayso afarta ciyaarood ee u hadhsan.
Mar wax laga weydiiyey guushii Arsenal ay ka gaadhay Tottenham, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waxa aanu jeclaan lahayn in Arsenal ay guul-darraysato, laakiin annagu ma maamulayno waxa ay samaynayaan.
“Waxay heleen natiijo wanaagsan. Waxa hadhsan afar ciyaarood annaga, laakiin iyagu saddexda kulan ee u hadhsan wax dhi bco ah ma lumin doonaan, sidaa daraadeed, annaguna waanu garanaynaa waxa ay tahay in aanu samayno.
“Afar ciyaarood ayaa nooga hadhsan, waana sidii buur aanu fananayno oo kale. Waa ciyaaro aad u adag, Waxa kaliya ee aanu haysano waa in ay jirto hal ciyaar oo baaqi noo ah. Haddii aanu barbarraynana, kuma guuleysan doono horyaalka Premier League.”