Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mohamed Salah Kaddib Doqonniimadii Uu Kula Kacay Jurgen Klopp

ADVERTISEMENT

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa go’aan ka gaadhay xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, kaddib markii uu Sabtidii garoonka dhaxdiisa kula dagaallamay tababare Jurgen Klopp ee laga qabqabtay isaga oo kusoo socda dhinaciisa.

Salah ayaa mustaqbalkiisa Liverpool ayaa uu mugdi geli doonaa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda inagu soo haya, waxaana kusoo rogaal-celinaya kooxaha Sucuudiga ee hore dalabyada waaweyn uga soo gudbiyey suuqyadii u dambeeyey.

31 jirkan ayaa ay ka cadhoodeen taageereyaasha iyo maamulka kooxdu markii uu garoonka London Stadium ixtiraam-darro ugu muujiyey, isla markaana uu usoo dhaqaaqay dhinaca Klopp oo isaguna dib uga sii siqayey, illaa uu qabtay oo uu dib u celiyey Darwin Nunez, intii ay socotay ciyaartii ay Liverpool barbarraha 2-2 ah la gashay West Ham.

Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic ee looga dambeeyo xogta ciyaaraha, Liverpool waxa ay doonaysaa in ay sii haysato Mohamed Salah xilli-ciyaareedka dambe, laakiin waxa ku xidhan shuruud ah inuu heshiis cusub saxeexo maadaama uu qandaraaskiisa uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay.

ADVERTISEMENT

Mohamed Salah ayaa haddii uu diido inuu qandaraas cusub saxeexo, waxa ay Liverpool qaadan doontaa go’aan ah inay iibiso, si ay uga badbaaddo in uu bilaash kaga tago sannad kaddib

Suuqii xagaagii hore, kooxda Al-Ittihad ayaa £150 milyan oo Gini dul-dhigtay Mohamed Salah oo ay sidoo kale u bandhigeen heshiis laba sannadood ah, laakiin Liverpool ayaa uga dhaaratay inay iibiso.


ADVERTISEMENT

Related Stories

Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *