Pep Guardiola ayaa sheegay in xiriirka kala dhaxeeya Kevin de Bruyne inuu fiican yahay inkastoo xiddiga reer Belgium uu ka carooday in la bedelay kulankii Liverpool ee shalay.
De Bruyne ayaa caawiye ka ahaa goolkii uu dhaliyay John Stones isagoo si caqliyaysan u soo qaaday kubad koorno aheyd qeybtii hore ee ciyaarta.
Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa la bedelay ciayarta oo 20 daqiiqo ay ka harsan tahay, waxaana lagu bedelay Mateo Kovacic.
De Bruyne ayaa si xun uga carooday go’aankaas, iyadoo la arkayay Guardiola oo la hadlaya 32 jirkaan markii uu kursiga keydka fadhiyay.
Ciyaarta waxay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah taasoo ka dhigtay in Arsenal ay farqiga goolasha hogaanka uga heyso Liverpool halka City ay dhibic ka danbeyso iyagoo ku jira kaalinta seddexaad.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Kevin de Bruyne inuu yahay mid fiican.
“Xiriirkeena wuu fiican yahay, wuu fiican yahay” ayuu yiri.
“Wuxuu fursad u heli doonaa kulanka soo socda inuu cadeeyo inaan ku qaldana inaan bedelo, sidaasi darteed kulanka soo socda fursadiisa wuu heli doonaa. Wax walba way fiican yihiin.”
Isagoo sharxayay sababtii uu bedelka u sameeyay waxa uu yiri: “Waxaan u baahneyn ciyaaryahan kubada heyn kara. Ma aheyn ciyaaryahan raacasho badan sameynaya, waana sababta Mateo uu ugu fiican yahay inuu kubada hayo isaga iyo Bernando Silva, waxaana Foden u soo celiyay khadka dhexe.
“Boosaska qaar Mateo kubada wuu heyn karaa, wuxuuna sameyn karaa baas dheeri ah marka uu galayo xerada ganaaxa.
“Aniga iyo Kevin dhibaato nama dhex taalo. Waan fiicanahay.”