Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa laga saaray xulka Masar ee ciyaaraya kulamada saaxiibtinimo dhamaadka bishaan Maarso.
31 jirkaan ayaa dhaawac uga baxay Koobkii Qaramada Afrika, wuxuuna mar kale dhaawacmay kulankii Brentford markii uu garoomada ku soo laabtay.
Salah ayaa tan iyo markaas ka maqnaa garoomada laakiin todobaadkan ayuu soo laabtay isagoo bedel ku soo galay kulamadii Sparta Prague iyo Manchester City.
Masar ayaa markii hore diiday codsigii Liverpool ee ahaa inay ka tagaan Salah si uu taam buuxda ugu noqdo kulamada u haray Liverpool xilli ciyaareedka. Masar ayaa ka qeyb galeysa tartan saaxiibtinimo oo ka dhacay Abu Dhabi iyagoo la ciyaaraya New Zealand, Tunisia ama Croatia midkood.
Si kastaba, xiriirka kubada cagta Masar ayaa haatan ogolaaday inay xiddigooda ka saaraan xulka kulamada soo socda, iyadoo Salah uu baaqi ku sii ahaan doono Liverpool si uu uga shaqeeyo taam ahaanshihiisa.
Warkaan ayaa mid farxad leh u ah Jurgen Klopp oo doonayay in Salah uusan aadin kulamada heerka caalami madaama ay jirto cabsi ah in dhaawaciisa uu soo laabto oo uu seego kulamada muhiimka ah ee Reds uga haray Premier League.
Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad iyagoo ku dhibco ah kooxda hogaanka heysa ee Arsenal ka dib barbarihii ay shalay la galeen Man City.
Waxay sidoo kale u tartamayaan Europa League iyo FA Cup, iyagoo durba ku guuleystay koobka Carabao Cup oo ay ka qaadeen Chelsea.