Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay fursadda ay Arsenal iyo Liverpool u haystaan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee ay kooxdiisa Manchester City la wareegtay Sabtidii.
Horyaalka oo ay lix ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ayay Manchester City oo kulamada ugu fudud ay u hadhsan yihiin ay hoggaanka u qabatay, waxaana niyad-jab muujinaya taageereyaasha Arsenal iyo Liverpool oo in muddo ah figta sare iska beddelayay.
Manchester City ayaa hadda laba dhibcood oo nadiif ah ku haysa hoggaanka horyaalka, waxaanay sannadkii afraad qarka u saaran tahay inay ku guuleysato horyaalka Premier League, halka ay sidoo kale semi-final soo gaadhay FA Cup iyo Champions League oo ay wareegga sideedda lugtii hore barbarro la gashay Real Madrid, taas oo ka dhigan in saddexdii koob ee ay City ku guuleysatay xilli-ciyaareedkii hore ay illaa hadda fursad fiican u haystaan inay difaacdaan.
“Hadda annaga ayaa laba dhibcood horreyna, mana dhamaanin. Waa isla dareenkii hore oo kale ee aanu usbuucyo ka hor qabnay. Markii aanu Arsenal barbarraha la galnay, dadku waxay lahaayeen ‘wax fursad ah ma haysataan’ sababoo saadaasha computer-ka.
“Computerku haddana sidii oo kale ayuu leeyahay, anigu ma ogi in computer-ku uu ka ciyaari karayo difaaca bidix ama difaaca midig, mana garanayo waxa uu saadaashiisa ku salleeyo, laakiin computerku waxa uu lahaa fursad ma haysataan, haddana annaga ayuu na leeyahay fursad ayaad haysataan.
“Aniga waxba iskama ay kay beddelin. Lix ciyaarood ayaa hadhay, waxa nagu soo fool leh kulamo adag oo garoonkayaga ah iyo kuwo aanu marti nahay. Markaa annaga iyo iyagaba [Arsenal & Liverpool] waxa na sugayo kulamo adag.”