Paul Pogba ayaa helay dalab la yaab leh ka dib afar sano oo laga mamnuucay ciyaaraha.
Horaantii bishaan waaxda la dagaalanka isticmaalka dawooyinka mamnuuca ah ee Talyaaniga ayaa ka mamnuucday Paul Pogba inuusan ciyaarin kubada cagta muddo afar sannadood ah, ka dib markii laga helay inuu qaatay dawooyin mamnuuc ka ah isboortiga.
Markii la shaaciyay in afar sannadood laga ganaaxay ciyaaraha, Pogba ayaa xaqiijiyay inuu racfaan ka qaadan doono oo uu u gudbin doono Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS) ee Lausanne, isagoo intaa ku daray inuu sheekadiisa oo dhan sheegi doono marka uu ka baxo xayiraada dhanka sharciga ah ee saaran.
Ciyaaryahanka ayaa 34 jir noqon doona marka ganaaxiisa uu dhamaado, taasoo shaki gelineysa inuu sii wadan doono xirfadiisa kubada cagta.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Tuttosport, Pogba ayaa helay dalab ah inuu u ciyaaro Broke Boys, oo ah koox ka dhisan horyaalka Ruushka ee dadka caanka ah.
2022kii ayaa la sameeyay horyaal aan aheyn mid rasmi ah oo ciyaaraan dadka caan ah sida aktarada iyo dadka caanka ah baraha bulshada.
Agaasimaha kooxda Broke Boys Artjom Chatjaturjan ayaa sheegay inuu la xiriiray xiddiga reer France.
“Waxay u ekaan kartaa kaftan, laakiin waan u wacnay isaga.” Ayuu u sheegay Tuttosport. “Waqti xaadirkaan si xushmad leh ayuu u diiday dalabkeena. Waxa uu ku jiraa wakhti quusasho ah waxana uu u baahan yahay wakhti uu ku aqbalo xaaladiisa, Pogba waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubbada cagta aduunka mana awoodi doono inuu ciyaaro muddo dheer”.
Chatjaturjan ayaa la sheegay in uu warqad u diray Pogba iyo wakiilkiisa Rafaela Pimenta taas oo uu u soo jeediyay in uu mushaar ahaan u qaato 1,167 Giniga Istarliinka ah bishii iyo xoogaa faa’iidooyin ah hadii uu Pogba go’aansado in uu ku biiro horyaalka dadka caanka ah ee Russia.