Xulka qaranka Nigeria ayaa barbarro niyad-jab ah ka tuugay dhiggooda Equatorial Guinea oo kulankooda koowaad ee tartanka Koobka Qaramada Afrika ee Group A ay isku haleeleen.
Nigeria oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan ee loo saadaalinayo koobka, ayaa waxa ay la timid bandhig liitay oo sababay in Equatorial Guinea ay gool kaga naxsato qaybta hore, ka hor intii aanu Victor Osimhem u keenin goolka barbarraha.
Laba daqiiqadood oo kaliya ayaa u dhexeeyey labada gool ee Nigeria iyo Equatorial Guinea oo sababay in ay min hal dhibic ka helaan ciyaartooda furitaanka, taas oo sababtay in xulka martigelinaya ee Ivory Coast ay hoggaanka kali ku ahaadaan maadaama ciyaartoodii furitaanka tartanka ee xalay ay 2-0 ku karbaasheen Guinea-Bissau.
Xulka qaranka Nigeria oo ku gacan-sarreeyey ciyaartii galabta ayaa waxa uu goolka Equatorial Guinea toogtay 8 jeer oo lix ka mid ah ay kubadda ku aaddiyeen goolka, halka iyagana lasoo toogtay 5 jeer oo kaliya hal mar kubadda lagu beegay goolkooda, taasina shabaqa soo taabatay.
Victor Osimhem ayaa uu nasiibku diiday, balse waxa muuqanaysay in Nigeria ay u liicayso weeraryahanka Bayer Leverkusen ee ay ku xisaabtamayeen laakiin dhaawacmay ee Boniface.
Daqiiqaddii 36aad ayaa kubbad uu Pepin soo dhiibay, waxa Equatorial Guinea hoggaanka ugu dhiibay Iban Salvador oo sidii uu xulkiisu guuleystay u dabbaal-degay.
Laakiin farxaddoodu masii soconin, waxaana laba daqiiqadood kaddib oo ahayd daqiiqaddii 38aad aamusiiyey Victor Osimhem oo shabaqooda dhax-dhigay kubbad uu usoo dhiibay Lookmann oo orodkiisa adeegsaday.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Nigeria iyo Equatorial Guinea ay leeyihiin min 1 dhibic, waxaana Group-ka A xilli-horeba isku muujiyey xulka martigeliyeyaasha Ivory Coast oo awood ku muquuniyey Guinea-Bissau habeenkii Sabtida oo ay 2-0 ku qaateen.
Qaab-ciyaareedka ay muujiyeen Ivory Coast oo kaashanaya taageereyaashooda maadaama marti loo yahay, ayaa waxa ay noqotay dalka waqtiga horeba kasbaday in loo saadaaliyo inay ku guuleysanayaan koobka qaramada Afrika ee sannadkan.