Taageerayaasha Chelsea ayaa ogaaday arin uu Mykhailo Mudryk ku sameeyay Instagram oo qish ka bixineysa cida noqoneysa tababaraha xiga ee Chelsea.
Maalintii Talaadada Chelsea ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay kala tageen tababare Mauricio Pochettino.
Ka dib labo maalmood oo dib u eegis lagu sameeyay xilli ciyaareedka kooxda, madaxda kooxda ayaa u sheegay Pochettino in la joogo waqtigii ay kala tagi lahaayeen madaama aysan ka mideysneyn qaabka loo horumarin karo kooxda.
Chelsea ayaa yeelan doonta tababaraheedii shanaad tan iyo markii ay milkiilayaasha cusub iibsadeen 2022kii.
Chelsea ayaa la filayaa inay magacowdo tababare da’ yar oo sii wadi doona shaqadii uu bilaabay Pochettino, sidaasi darteed waxay taasi meesha ka saartay soo laabashada Thomas Tuchel ama Jose Mourinho.
Tababaraha Brighton Roberto De Zerbi ayaa lala xiriiriyay shaqada Blues ka dib markii isaga iyo Brighton ay ku hishiiyeen inay kala tagaan.
Ka dib markii ay Chelsea xaqiijisay bixitaanka Pochettino, joornaaliistaha Talyaaniga Luca Cerchione ayaa sheegay in koox aan la magacaabin ay siisay Brighton lacag magdhow ah oo gaareysa 4.3 milyan ginni si De Zerbi uu tababare ugu noqdo.
Warbixinta wariyaha ayaa lagu sheegay in hishiiska laga dhigay mid sir ah si aan loo shaacinin kooxda hishiiska la gaarto Roberto De Zerbi.
Si kastaba, taageerayaasha CHelsea ayaa arkay in weeraryahanka Chelsea Mykhailo Mudryk oo ka hoos ciyaaray De Zerbi markii ay wada joogeen Shakhtar Donestk, inuu like saaray qoraal la soo dhigay Instagram oo sheegaya in koox aan la magacaabin ay Brighton siisay lacag magdhow ah si ay De Zerbo tababare uga dhigato.
Waxayna tani keentay in la aamino in kooxda aan la magacaabin ay tahay Chelsea oo hishiis qarsoodi ah la gaartay Roberto De Zerbi.