Xiddiga khadka dhexe ee Portugal Bernando Silva ayaa bixi kara xagaagan haddii Manchester City ay hesho dalab ugu yaraan gaaraya 50 milyan ginni. (Football Insider)
Xulka Ingariiska ayaa tababare cusub u magacaabi kara macalinkii ka tagay Chelsea Mauricio Pochettino haddii Gareth Southgate uu baxo ka dib koobka Euro 2024. (Telegraph)
Tababaraha reer Argentina Pochettino oo 52 sanno jir ah ayaa xiiseynaya inuu la hadlo kooxda Manchester United haddii ay ceyriyaan Erik ten Hag. (The Times)
Chelsea ayaa qoratay liisk gaaban oo u sharaxay bedelka Pochettino, waxayna rajeynayaan inay tababare cusub ku dhawaaqaan maalmaha soo socda. (The Athletic)
Arsenel ayaa diyaar u ah inay dhaqaaqdo goolhayaha Feyenoord Justin Bijlow oo 26 sanno jir ah iyagoo filaya in 26 jirka reer England Aaron Ramsdale inuu baxo. (Daily Mirror)
Tottenham ayaa diyaar u ah inay iska dirto weeraryahanka reer Brazil Richarlison si ay booska ugu baneeyaan weeraryahanka Bournemouth Dominic Solanke. (talkSPORT)
Weeraryahanka Napoli Victor Osimhen ayaa iska diidi doona inuu ku biiro Paris Saint-Germain iyo kooxaha Sacuudiga isagoo ka dooranaya kooxda Chelsea. (TeamTalk)
Wakiilada xiddiga Man City Kevin de Bruyne ayaa wadahadal kula jira kooxda cusub ee horyaalka Mareykanka San Diego FC. (The Athletic)
Goolhayaha England Jordan Pickford ayaa sheegay inuu sii joogayo Everton inkastoo uu dalab ka helay kooxda Chelsea. (Mirror)
Weeraryahanka Slovenia Benjamin Sesko oo 20 sanno jir ah oo diirada u saaran Chelsea iyo Arsenal ayaa go’aansan doona mustaqbalkiisa ka hor ciyaaraha Euro 2024 isagoo haatan u dheela kooxda RB Leipzig. (Fabrizio Romano)
Manchester United ayaan diyaar u aheyn inay qandaraas cusub ka saxiixdo Bruno Fernandes inkastoo xiddiga khadka dhexe uu xiiso ka helayo kooxda Sacuudiga Al Nassr. (Transfer News Live)