Xiddiga kooxda Chelsea ee Mykhailo Mudryk ayaa ka soo baxay balan uu qaaday ka dib markii uu taleefoonka iPhone hadiyad ahaan u siiyay taageere daacad ah.
Mudryk, oo 23 jir ah, ayaa u ciyaaraya xulka qaranka Ukraine iyaga oo isha ku haya in ay xaqiijiyaan booskooda Euro 2024 xagaagan. Waxay kulanka kama danbeysta ah ee ku soo bixi karaan ay Talaadada la ciyaarayaan xulka Iceland.
Iyadoo xulkiisa uu isku diyaarinayo ciyaarta muhiimka ah, Mudryk ayaa xusuustay balan uu ka qaaday hal ctaageere oo daacad ah bishii Oktobar. Intii lagu guda jiray kulamadii heerka caalami ee u danbeeyay, Mudryk ayaa ku kaftamay inuu taageere u iibin doono taleefanka Iphone madaama taleefankiisa uu ku buuxiyya sawirada Mudryk.
In October 2023, Mudryk told a loyal Ukraine fan who covers the national team online 'I'll have to buy you a new phone because your storage is full of videos of me!'
Fast forward to March 2024, Mudryk purchased a phone and gifted it to him. ❤️🇺🇦 pic.twitter.com/gEwp48l1C1
— EuroFoot (@eurofootcom) March 22, 2024
Ka hor inta uusan korin baska xulka, Mudryk ayaa arkay taageerihii uu balanta ka qaaday oo taagan huteelka hortiisa. Waxa uu furay boorsadiisa wuxuuna ka soo bixiyay taleefan cusub oo Iphone ah.
“Waa arin weyn, wax weyn lama ahan Mudryk laakiin taageeraha uu siiyay waligiis ma ilaawi doono” ayuu taageere ku falceliyay.
Halka mid labaad uu yiri: “Arin aad u fiican ayuu sameeyay Mudryk”